Maxaa Ka Jira In Lacag Laga Qaado Dadka U Dhinta Xanuunka Covid-19?

Dowladda Hoose ee Hargeysa, ayaa Shaacisay Tirada Dadka Hargeysa ugu dhintay Covid-19 bishii aynu soo dhaafnay ee March 2021.

Agaasimaha arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali oo   Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay 47 Qof Hargeysa ugu dhinteen Xanuunkaas.

Sidoo kale, Khadar Yuusuf Cali ayaa Faah-faahin ka bixiyay xogta ay hayaan dowlad hoose ahaan, isagoona sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in dadka u dhinta cudurka Covid-19 marka la aasayo lacag laga qaado,  Warar aan rasmi ahayn oo sidaasi sheegayay ayaa maalmihii la soo dhaafay hadal hayntoodu socotay.

Halkan hoose ka dawo warkaas oo dhan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker