Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatiga Oo Bilaabay Dhaqdhaqaaq Cusub

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatiga ee la dagaalamaya xoogaga Xuuthiyiinta ee Yemen ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq cusub oo ay doonayaan inay kula wareegaan magaalada dekkada leh ee Xudeydah oo ay bilihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo xoogleh.

Duulaankan cusub ayaa waxaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ciidamo gaaraya 10.000 askari oo ay ku jiraan askar laga keenay wadanka Sudan oo kamid ah xulafada Sacuudiga, ciidamadan oo la sheegay inay xoojin doonaan kuwii horey uga dagaalamayey xudeydah.

Xulafada Sacuudiga ayaa qorsheenayey in ay maalmo gudahooda ku qabsadaan magaalada Xudeydah markii ay hawlgalkan bilaabayeen bishii June, balse dagaalanka ayaa noqday mid dabo-dheeraaday, diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa bilihii lasoo dhaafay duqeyn xoogleh ku waday gobalkaasi.

Magaalada Xudeydah oo ay ku taal dekkada ugu weyn ee wadanka Yemen ayaa ahayd isha kaliya ee u furan mucaawinada dalkaasi la keeno, dagaalkan oo keenay in macaluul iyo gaajo soo wajahdo malaayiin reer Yemen ah, xaalada dalka Yemen ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay xiligan inay tahay midda ugu liidata dunnida dhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker