IMAARAADKA Carabta oo Wali ka Cago jiidaya inuu Aqbalo Safiirka Cusub ee Dawlada Somalia u Magacawday

bu Dhabi (OWN) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaan weli Aqbali Safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale.

 

Dowladda federaalka, oo ka digtoon in laga faa’ideysto mas’iiuliyiinta hore ee Safaaradda Abu Dhabi, oo ay aad isugu dhowaayeen dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa 6 bilood ka hor u Magacawday Danjire Xasan Xundubay Jimcaale inuu Noqdo Safiirka  Soomaaliya ku matali doonto Imaaraadka.

 

Hase yeeshee, Imaaraadka Carabta ayaan weli Aqbalin danjiraha cusub, sidoo kalena aan si rasmi ah u diidin, ayada oo laga gudbay muddada 90-ka maalmood aH  ee sharciga diblomaasiyaddu dhigayo In lagu Aqbalo Ama Lagu Diido .

 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Oodwaynemedia  u sheegay in Imaaraadku  aanu Doonayn in ay si toos ah Xidhiidhka ugu jaraan Soomaaliya , Balse hadana waxaa Muuqata in Emirate-ku ka Cago jiiddayo Aqbalaada Safiir Xundubay ,Taas badalkeedana uu Emaaraatku ka Codsaday Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad inuu Waqtiga uu u dheereeyo, Taasoo uu Wasiir Cawad ka Ogolaaday .

 

 

Wasiirka iyo xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka oo uu wehliyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo ku kulmay Nairobi ayaa la sheegay inay isku afgarteen in aan wax isbedel ah lagu sameeyn safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi, howsheedana uu sii wado Axmed Daahir Maxamed oo ah ku sime.

 

Diidmada aqbalaadda safiirka Soomaaliya ayaa waxaa Imaaraadka Carabta ku wehliya dalka ay xulufada yihiin ee Sacuudi Carabiya, oo iyana in ka baan lix bilood kadib markii la magacaabay aan weli wax aqbalaad ama diidmo ah siin danjiraha cusub ee Soomaaliya ay magacowday Cabdiakiin Xasan Ashkir.

Xiriirka Soomaaliya iyo labadan dal ayaa xumaaday bartamihii 2017-kii kadib markii ay Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar oo labada dal ay colaad kala dhaxeyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker