Nin Hubaysan Oo Magaalada Muqdisho Ku Dilay Sadex Nin Oo Walaalo Ah Iyo Ehelada Raga La Laayay Oo Sheegau In Ninka Dilka Gaystay Ka Tirsanyahay Ciidanka Dawlada

Dadka la dilay oo gaarayay ilaa Saddex ruux ayaa dhammaantood ahaa rag isla dhashay,waxaana falkaasi uu ka dhacay garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,waxana la sheegay in ninka wax dilay uu goobta ka baxsaday.

EheladaSaddexda Ruux ee la dilay ayaa waxa ayaa Warbaahinta  u sheegeen in Ninka dilka geystay uu ka mid ahaa Askarta ciidamada dowladda Soomaaliya,isla markaana ay qaraabo dhow ahaayeen saddex raga ah ee uu dilay.

Qof ka mid ah ehelka dadka la dilay ayaa waxa uu sheegay in ninka askariga ah ee dilka geystay iyo Saddex ruux ee la dilay ay ahaayeen dad Ilmo adeer ah,isla markaana Askariga uu dilay Saddexda Walaalaha ahaa,isla markaana loo sababeynayo arrimo la xidhiidha isqabqasbi dhul.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii uu dilka geystay uu baxasaday haatana ay weli baadi goob ku hayaan,askarigaas laamaha amniga soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Meydadka Saddexda Ruux haatan lagu haayo Xarunta Dambi barista CID-da ee Muqdisho.

Dhacdadan weli kama hadlin Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir balse xiriir aan la sameynay nooma suurtagelin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker