Maxaa Sababay In Madaxweyne Biixi Oo 360 Maxbuus Cafis U Fidiyey Ka Reebay C/maalik Muuse Coldoon?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Munaasibadda Ciidul Fitriga Awgeed Cafis guud u fidiyey maxaabiista dambiyada fuddud ku xukumannaa.
360 Ka Mid Ah Maxaabiista Ku Xukunnaa Dambiyadda Fuddud, Ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Wareegto Madaxweyne Oo Uu Soo Saaray Ku Sii Daayey.
360-ka Maxbuus Ee Uu Madaxweynuhu Cafiyey, Ayaa Dambiyadda Loo Haystay Ee Ay Ku Xukunnaayeen, Kala Ahaayeen.
1-Tuugadda
2-Ilaah cayga,
Nebi cayga iyo diin cayga
3-waalid caasiga
4-Dhillaysiga (sinada aan kufsiga ahayn ee ogolka ah )
5-Khamri cabista
6- Xukuno kale oo la halmaala.
Sidda Lagu Caddeeyey Qoraal Lagu Baahiyey Page-ka Rasmiga Ah Ee Wariye Cabdi-maalik Sh Muuse Coldoon Ku Leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook, Ayaanu Ka Mid Ahayn 360-kaa Maxbuus Ee Uu Madaxweynuhu Cafiyey Maanta Munaasibadda Ciida Soon-fur Awgeed.
Coldoon Oo La Xidhay 19/8/2021 Lagu-na Eedeeyey Inuu Caayay Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacadda Barwaaqo Ayey Maxkamaddu 3/2/2022 Wax Dambiya Ku Wayday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker