Dhallinyaro Tahriib Kasoo Noqotay Oo Deeq Lacageed Lagu Gudoonsiiyey Hargeysa

Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland, ayaa ka qayb-galay munaasibad hay’adda socdaalka adduunka ee I.O.M, ay deeq lacageed ku gudoonsiinnaysay labaatan dhallinyaro ah oo hore u tahriibay oo laga soo celiyay dalka Liibiya.

Dhallinyaradan oo dhawaan laga soo celiyay dalka Liibiya oo tiradoodu ahayd labaatan ayaa midkiiba la gudoon siiyay lacag dhan laba kun oo dollar, waxaana munaasibadii lacagtaas lagu gudoon siinayay hadal ka jeediyay Aadan Liibaan oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland, waxaanu sheegay in dhallinyaradaasi ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan, xiligii ay ku sugnaayeen dalka Liibiya, iyadoo xukuumadda Somalilad oo kaashanaysa hay’adda socdaalka adduunka ee I.O.M.

Liibaan Maxamuud Ciise, oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda I.O.M ayaa sheegay in deeqdaas lacagta ah ee la gudoonsiiyay dhallinyaradaas labaatanka ah ay ku timid wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qarqanka ee Somaliland.

Mid ka mid ah dhallinyaradii tahriibtay ee laga soo celiyay dalka Liibiya ayaa hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka iyo hay’adda I.O.M uga mahadceliyay deeqdaas lacageed ee ay gudoonsiiyeen, waxaanu dhallinyarada Somaliland u soo jeediyay inay ka feejignaadaan halista tahriibta.

Ugu dambayn guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somalilnd Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adda I.O.M ay isla garteen in dhallinyaradaas la siiyo lacag, si kor loogu qaado noloshooda, maadaama oo ay ka soo qodeen dal shisheeye oo ay tahriib ku galeen, dhibaatooyin kala duwana ay kala soo kulmeen, intii ay dlka Liibiya Joogeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker