Saddex Wiil Walaalo Ah Oo Ku Geeriyootay Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Baladweyne.

Saddex caruur oo isku qoys ah ayaa ku dhintay laba kale oo isla qoyska ahna waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu gurigooda ku soo dhacay hoobiye xilli kooxda Al-Shabaab xalay ay weerar ku qaaday magaalada Beledweyne.

Dagaal muddo kooban socday ayaa ku dhexmaray galbeedka Beledweyne ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo malayshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka xalay waxaa ka horeyay howlgal ay shalay ciidamada isgarabsanaya ka sameeyeen deegaano ku yaaala galbeedka Beledweyne gaar ahaan deegaanka Luuq-jeelow oo kooxda Al-Shabab ay ku leeyahiin bar kontarool oo ay lacago kaga qaaddo gaadiidka soo gala Beledweyne.

Dhanka kale, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay fulisay howlgal ka dhacay Muqdisho oo ay ku beegsatay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo ay NISA xalay boggeeda Twitter-ka soo dhigtay ayay ku sheegtay in ay dileen ilaa 12 ka tirsan xubnaha ururka Al-Shabaab kuwaasi oo ay NISA sheegtay in ay khal-khal ku hayeen amniga magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker