Maayaradda Dalku Waxey Muujinayaan In Xukuumaddu Dabacsan Tahey Marka Loo eego Hadaladooda

Inkastoo aanan Kaga hadlin Mawduucyadeeda Aan had iyo jeer Kusoo Qaato Dhaliisha Xukuumada Madaxweyne Biixi iyo Nidaamyada Fool xumadda ah ee hoos u dhigey Sumcadii iyo Sharaftii Dawladnimo, Islamarkaana Sumada iyo astaamaha loogu kala Qeybinayo  oo Lagu Soocayo Guud ahaanba Bulshada Somaliland, wali kumaan Soo qaadan Xubnaha Maamul hoosaadka Sida Maayaradan aan kahadlayo.

Haddaan usoo Noqdo Mawduucan aan Maanta kaga hadlayo Maayaradda Dalka oo aad Moodo markaad Hadaladooda Warbaahinta ay kaga hadlayaan in aaney Dawlladba ka jirin meesha ay sidaa uga hadlayaan, sababtoo ah Waxay tani Tusaale u Noqoneys Dabacsanaantii Maamul  ee Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa Maadaama ay Maayaraddu u hadlayaan sidii Hogaamiye Kooxeedyaddii Waagii Muqdisho oo dalkii kala Qeybinayaan  Waxaan Si fiican u dhugtey Maayarka Magaalada Burco, Maayar Maxamed Muraad oo hadlaya oo hadalkiisa boqolkiiba Sagaal iyo Sagaashan ay ka Muuqato kala Qeybin iyo Kala Soorid umadda Reer Somaliland taas, oo macno ahaan dadka Soomaalida ah ee Dibadda ka jooga Somaliland iyo Aduunyadda kaleba Muslim iyo Gaalba meesha Ninkaasi ka hadlayo loo arkayo in aaney, aheyn meel Dawllad wada Socota iyo dad Mideysani ka jiraan iyadoo ay Sabab u tahey  nidaamka Maamulka Guud ee dalka Maanta kajira geesta oo laga eego.

Waxa kale oo aan hore u arkey Maayarka Gabiley Maxamed Amiin oo isaguna ka hadlaya Swden Waxaanu Sheegayey in aaney Dawlladu Gabiley u hagar u Bixin marka laga Reebo Marka codka laga Doonayo oo kaliya,oo ay Gabiley ugu dulman tahey Somaliland sida ay Somaliland ugu dulman tahey Beesha Caalamka Marka Maayaradii halkaa maryaan ma umaleyneysaa in Dalkaasi uu ka jiro Maamul Dawlladeed iyo Nidaam kala Dambeyn oo lagaga Tusaale qaadan karro halkii uu Shaley taagnaa Dalku iyo Guud ahaanba Madaxdii soo Martey Talladda Somaliland ee ukala Dambeysay,oo ay ka muuqatey milgihii iyo sharafkii oo Maayar Waliba ka hadli jirey Hawsha iyo inta uu Ku Siman Yahey Xilka uu hayo oo Kali ahi.

Labadan Maayar Waxa u Sabab u ah in ay Sidan u Haddlaan La Xisaabtan La,aanta Wasaaradda Arimaha Gudaha ee ay La Xisaabtami laadahey, Sidoo kalena Labadan Maayar Maxamed Muraad iyo Maxamed Amiin Midna Waxa uu kazoo jeedaa (Madaxweynaha) Muuse Biixi midna Waxa uu kasoo jeedaa Maxamed Kaahin(Wasiirka Arimaha Gudaha),  Markaa inagoon Wax kaleba galin intaasaa Tusaale inagaga Filan.

Gabagabadii Weynu aragnaa in Golihii Wasiiradu (N)ta ku Waddaan Khaliga oo aaney Wali durduradu soo gaadhin laakiin ay Maayaraddii iyo sidii ay ugu kala dhawaayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Daakhiliga kasoo bilaabantey ninbaa laga hayey Saylici ayaa hore uga cawdey Xukuumadii Siilaanyo Wasiiradii Odeygu adeerka u ahaa Markaasaa lagu Yidhi kawaran Xukumadan Biixi dabadeedna Wuxuu yidhi Waxaa ii Yimid Nin Kuxigeenkiisii Wata waaba tiiye bal aynu eegno halka ay Maayaradan iyo Labadan nine e dalka Qabsadey ee Akarta ahi iskala soo dhacaan.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker