Saudi Arabia Iyo Lebanon Oo khilaaf Dublumaasiyadeed Ka Dhex Bilaabmay

Koox wasiiro ah oo ka tirsan dowladda Lebanon ayaa Sabtida maanta ah ka wada hadlaya khilaafka dublumaasiyadeed ee sii xoogeysanaya ee ka dhex bilowday Lubnaan iyo boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay boqortooyadu erisay safiirkii Lubnaan u fadhiyay dalkaasi, islamarkaana mamnuucday dhammaanba badeecadaha ka yimaada Lubnaan.

Khilaafkan ayaa ka dhashay hadallo xasaasi ah oo uu jeediyay wasiirka warfaafinta Lubnaan George Kordahi (Qardaaxi) oo ku aadanaa dagaalka milatari ee Sucuudigu hoggaaminayo ee ka socda Yemen, taasi oo xaalad cakirnaan gelisay dalkaasi, iyadoo loogu baaqayo in Kordahi uu is casilo.

Kordahi ayaa taageero cad ka helaya Xizbullah, waxaana uu diiday in uu bixiyo raalligelin ama is-casilo hadalka uu jeediyay awgii, taasi oo keentay dhaawicii ugu xumaa ee gaara xiriirka Sacuudiga iyo lubnaan tan iyo 2017-kii xilligaasi oo ay boqortooyadu magaalada Riyadh ku xidhay ra’iisul wasaarihii xilligaasi ee Lubnaan Sacad Al-Hariri.

Xiisadda ayaa halis gelineysa in ay ku baahdo Khaliijka, iyadoo Bahrain ay sidoo kale ka dalbatay safiirka lubnaan in uu dalkeeda ka baxo.

Kuwait ayaa iyana safiirka Lubnaan ee dalkaasi siisay in uu 48 saac gudahood kaga baxo dalkeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker