Maxkamadda ICJ Oo diiday dalabkii Kenya Ee Dib u Dhigista Dacwadda Badda

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ayaa diiday codsigii ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda kuna dalbatay in dhagaysiga dacwadda labada dal ee loo ballansan yahay 15-ka March dib loo dhigo.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Maxkamdda ICJ ayaa lagu sheegay in ka dib markii ay maxkamaddu eegtay qoraallada ka soo gaadhay labada dal ay go’aansatay in aan la bedelin waqtiga loo qorsheeyay in dacwadda la qabto oo ku beegan 15-ka bisha March. Dhagaysiga ayaa ku dhici doona qaabka fogaan aragga ah, sida ay maxkamaddu qoraalkeeda ku sheegtay.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan u gudbisay Maxkamadda ICJ in aysan ka qeybgali karin dhagaysiga loo ballansan yahay bisha danbe, iyadoo sheegtay in cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu saameyn ku yeeshay howlihii guddiga qareennada ee ku matalaya dacwadda hortaalla maxkamadda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker