Maamulka Gobolka Florida Ee Dalka Maraykanka Oo Lacag Madax Furasho ah Siinaya Koox Burcad ah.

Maamulka gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa go’aan ku gaadhay inuu lacago madax furasho ah oo gaadhayo $600,000 (lix boqol oo kun oo doolar) siiyo koox ka mid ah budhcadda Internetka si ay dib ugu soo ceshadaan xog laga dhacay kombiyuurada maamulka.

Dowladda hoose ee gobolka ayaa waxaa u shaqeyn waayay kombiyuutadii markii ay weerartay burcadda Internetka si ay madax furasho u weydiistaan maamulka isla markaasna dib ugu soo celiyaan howshoodii.

Burcadda ayaa waxay jabsadeen xogta waaxda gurmadka degdeg ah, waxayna arrintaas u horseeday in qaar kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ay ku shaqeyaan warqad iyo qalin.

Shaqaalaha dowladda hoose ee magaaladaas oo gaarayo 35,000 ayaa u codeeyay in lacag madax furasho ah la siiyo burcadda Internetka sii loo soo celiyo xogtii laga jabsaday, waxay arrintani ka dambeysay baaritaano ay sameeyeen khaburro maamulka u qaabilsan arrimaha ammaanka Internetka.

Lacagta madax furashada ah waxaa lagu bixiyay nidaamka bitcoin, waxaana lacagta lagu maareeyay barnaamijka ceymiska ee dowladda hoose.Masuuliyiinta qaarkood ayaa sheegay inaysan jirin caddeyn muujineysa in burcadda marka lacagta ay qaataan kaddib ay usoo celin doonaan xogtii ku keydsaneyd Kompiyuutarada dowladda hoose.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker