Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (OWN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare geystay oo goor dhawayd  ka dhacay Agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo warramayo in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

 

 

Qaraxa oo ahaa miino, islamarkaana jugtiisa laga maqlay xaafadaha qaar ee caasimada ayaa  lala bartilmaameed Saday  gaadhi Toyota Hilux ah  (Qooqan) oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

 

 

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah

 

 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ay ka bixiyeen qaraxaasi.

 

 

Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyo ku weerara ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha caasimada iyo gobollada kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker