Waxaa La Gaadhay Wakhtigii Arsenal soo Afjari lahayd Abaarta Koob La,aan ,, Wenger

Gunners ayaa Sabtida soo socota waxa u taalla shaqo weyn oo ah inay iska hor imanayaan Manchester City oo ay dhaawacyo kala daadiyeen, waxaana Arsene Wenger uu rumaysan yahay in la gaadhay waqtigii ay Arsenal soo afjari lahayd abaarta ka haysatay hanashada horyaalka 16kii sannadood ee ugu dambeeyey.

Macallinkan ruug-caddaaga ah waxa uu tilmaamay in inta uu tababaraha ka yahay Mikel Arteta ay Arsenal ku guuleysan doonto horyaalka, isagoo dhinaca kalena qiray in sannadihii ugu dambeeyey maalgelin heerkeedu sarreeyo lagu sameeyey kooxda oo ay hadda haysato ciyaartooyo wanaagsan.

 

 

Arsene Wenger oo ka jawaabayay su’aal ah haddii Arsena la gaadhay waqtigii ay ku guuleysan lahayd horyaalka oo ay awood u leedahay, waxa uu ku jawaabay: “Waan aaminsanahay taas, sababtoo ah, isagu (Arteta) si fiican ayuu u wadaa kooxda.

 

 

Si wanaagsan ayay u socdaan, waanay garab taagan yihiin macallinkooda. Si fiican ayaanu wax usoo iibsanay, lacag badan ayaanu kharash garaynay labadii sannadood ee ugu dambeeyey, si degdeg ah ayaananu u helnay khayraad badan, taas oo aniga xoogaa layaab igu ahayd.

 

 

“Waxay ila tahay inuu Arteta haysto ciyaartooyo tiro iyo tayo ba leh, haa waanu ku guuleysan karnaa. Maxaa diidaya?”

 

 

Arsene Wenger ayaa la weydiiyey haddii uu ku laaban karo Arsenal, ayaa yidhi: “Ma garanayo inaan ku laaban doono, laakiin meesha kama saarayo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker