Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan oo Wacad ku Martay inay Iska Dhicin Doonaan Kibirka Maraykanka

 

 

 

Madaxweynaha dalka Iiraan Hassan Rouhani ayaa sheegay iney dalkiisu soo foodsaartay cadaadis aan horay loo arag oo uga imanaya cunaqabateennada beesha caalamka uga imaanayo.

Cunaqabateennada uu Mareykanka dib u cusbooneysiiyey oo uu saaray dalkiisa ayaa sii huriyey xaaladda dhaqaale ee dalka Iiraan taasoo ka dhigeyso xaaladdi dhaqaale ee ugu xumeyd uu soo wajaho dalkiisa oo la mid ah xilliyadi 1980-1988″ ayuu yiri Rouhani.

Hadalka Rouhani ka soo yeeray ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisadda Iiraan kala dhaxeyso Mareykanka ay cirka isku shareertay, Mareykankana uu toddobaadki hore uu gacanka uu u dhaqaajiyeyey maraakiibta dagaalka iyo kuwadiyaaradaha dagaalka xambaara.

Mr Rouhani oo gudaha cadaadis siyaasadeed oo aad u xooggan kala kulmayo dhinacyada mayalka adag ayaa ku baaqay iney shacabka Iiraan muujiyaan midnimo siyaasadeed si dalka uu isaga caabbiyo cunaqabateennada saaran

 

 

dadka siyaasadda u ololeeya.

“Cadaadiska ay cadowgu nagu hayaa nwaa dagaal cad oo aan horay noo soo marin taariikhda kacaanka Islaamiga… balse ma quusanayo oo rajo weyn ayaan mustaqbalka ka qabaa waxaanna aaminsanahay caqbadaha na horyaalla oo dhan inaan ka gudbi karno haddii aan shacab ahaan cadowga u midowno” ayuu yiri.

Maxaa lagu xasuustaa Madaxweynihii hore ee Iiraan Rafsanjani?

Xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iiraan ayaa su’aal gelineysa mustaqbalka heshiiskii 2015-kii ee niyuukilarka ku saabsanaa oo ay Iiraan la gashay 5 dal oo xubin joogta ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Jarmalka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanadki hore ka baxay heshiiska Niyuukilarka wuxuuna cunaqabateennadi Iiraan saarnaa uu dib u cusbooneysiiyey, Iiraanna waxay sheegtay iney dib u billaabeyso howlaheeda Niyuukilarka haddii ay waddamada kale ee heshiiska ku jira ay taageeraan cunaqabateennada Mareykanka uu Iiraan Saaray.

 

Madaxweyne Rouhani yaa shaqsi ahaan cadaadis xooggan kala kulmaya kooxaha mayalka adag ee gudaha Iiraan, kaddib marki uu Mareykanka uu ka baxay heshiiski Niyuukilarka uu maamulkiisa horay u saxiixay.

 

Sida uu dhigayo hehiiskan, Iiraan ayaa waafaqday iney xaddiiddo arrimaha Niyuukilarka si ay barayaasha caalamiga ah ay uga shaqeeyaan sidi cunaqabateennada looga khafiifin laha.

Cunaqabateennada Mareykanka uu saaray intooda badan waxay la xiriiraan dhinacyada Tamarta iyo Maraakiibta.

Cunaqabateynka ayaa wuxuu ka hortgayaa iney shirkadaha Mareykanka ay calaaqaad ganacsi oo toos ah la yeeshaan Iiraan iyo shirkad ama dowlad kasta oo arrimahaasi kala xiriirto Iiraan.

 

 

 

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF waxay sheegtay iney rajeeyneyso dhaqaalaha dalka Iiraan inuu hoos u dhac dhan 6% uu gaaro 2019-ka.

Cunaqabateennada Saliidda Iiraan uu saaray Mareykanka waxay inta badan sameyneysaa shanta dal ee saliidda ka iibsada ee kala ah: Shiinaha, Hindiya, Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed iyo Turkiga.

 

Bishi horana wxuuu Mareykanka uu liiska argagaixsada aduunka u ku daray Ciidamada Kacaanka Islaamka Iiraan.

Mareykanka Muxuu Sameeynayaa?

Maamulka Trump wuxuu rajeeynayaa inuu Iiraan ku qasbo iney gasho “Wadahadallo Cusub” oo aan ku koobneyn arrimaha Niyuukilarka oo keli ah, balse uu ka mid yahay barnaamijyada gantaalladiisa baalastika iyo dabeecadaha xun ee ay Iiraan kaga dhaqanto guud ahaanba Bariga Dhexe.

Wuxuuna Mareykanka uu Bariga dhexe uu u diray Habka Gantaallada la isaga difaaco.

Shax Muujineyso Kobaca Dhaqaalaha Dalka Iiraan
Shax Muujineyso Kobaca Dhaqaalaha Dalka Iiraan

Maraakiibta dagaalka Mareykanka, Diyaarado iyo Gaadiid dagaal ayuu Mareykanka u dhaqaajiyey dhinaca Khaliijka, oo ka mid ah ciidamada USS Abraham Lincon oo gacanka ka dagaal gala.

Diyaaradaha bambooyinka walwaala ee B-52 ayaa iyaguna gaaray saldhigga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Qadar.

Mareykanka wuxuu sheegay inuu jawaab ka bixinayo halis kasta oo ciidamada Mareykanka uu gayigaasi ku leeyahay Iiraan uga timaadda. Balse Iiraan ayaa eeddaasi ku tilmaantay maalaa yacni.

Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan wuxuu sheegay haddii Iiraan la soo weeraro, Iiraanna ay weerari doonto ciidamada Mareykanka ee Gacanka ku sugan.

 

“Maraakiibta diyaaradaha qaada oo ugu yaraan 40 ilaa 50 diyaaradood iyo 6,000 oo askari sida waxay hadda ka hor khatar ku ahaayeen dalka iiraan… laakiin hadda khatarta waxay Iiraan uga faa’ideysaneysaa fursad” ayuu yiri Adm Amir Ali Hajizadeh oo u warramay wakaaladda wararka Iiraan.

“Haddii ay Mareykanka isdhaqaajiyaan dhammaantood madaxa ayaan ka tooganeynaa,” ayuu yiri.

MArkabka ciidamada ee USS ArlingtonMarkabka USS Arlington ayaa ku biiray USS Abraham Lincoln oo horay gacanka ugu sugnaa

5,200 askari oo Ameerikaan ah ayaa wakhti xaadirkan ku sugan dalka Ciraaq oo daris la ah Iiraan.

Horraantii toddobaadkan waxay Iiraan shaaca ka qaadday iney ka baxday laba qodob oo ka mid ah Heshiiska Niyuukilarka. Sida oo kalana ay dib u billaabeyso tayeynta Niyuukilarka, haddii aan cunaqabateennda 60 maalmood gudahood wax laga beddelin.

Waddamada reer galbeedkana waxay sheegeen iney ka sii mid ahaanayaan heshiiska Niyuukilarka Iiran.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker