Gaadhiga Dunida Ugu Xawaaraha Dheereeya Oo Lasoo Saaray, +Akhriso Faah-faahinta Nooca Gaadhigaasi.

Gaadhigan nooca tartanka oo saacaddi soconaya xawaara dhan 1,000 kiilo mitir ee looga macac daray Spersoni waxaa lagu iibinayaa qiima u dhigma gaadhiga Ferrari lagu iibsado.

Gaadhigan Supersonic ee la tijaabiyey waxaa la saaray matoorka diyaaradda dagaalka ee miigga (Rolls-Royce Eurofighter jet) wuxuuna la xawaara yahay sawaariikhda dheereysa.

Gaariga oo xawaara dheer ku socda

Kooxdan sameynta gaadhigan iska kaashatay ayaa waxay uga gol leeyihiin iney jabiyaan rekoorki horey u yaallay ee ahaa 763mph (1,228km/h).

Darawalka gaadhiga Andy Green wuxuu sheegay in gaadhiga lagu helayo qiima dhan £250,000 oo gini.

Tijaabada sanadki hore gaariga lagu sameeyey

Gaadhigan oo tijaabadiisi ugu daambeeyey lagu wado in lagu sameeyo waddanka Koonfur Afrika gaar ahaanna waqooyiga magaalada Cape.

Mr Greeen wuxuu intaasi ku daray xawaarihiisa kama dambeysta ah in lagu tijaabiyo wuxuu u baahan yahay malaayin doolar oo lacag ah maxaa yeelay wuxuu u baahan yahay wadda toosan oo uu maro iyo kharashaadki kale uu gaadhigu isticmaali lahaa.

“Anaga ahaan haddaynu nahay kooxda gaadhigan sameeysay qaab dhismeedkiisa iyo wax walba wey noo dhammeystiran inaan suuq geyni unbaa noo hadhay.”

Marki ugu horreysay waxaa gaadhigan noociisi hore lagu tijaabiyey Newquay Airport sanadki 2017-ka wuxuuna socday 320 kiilo miitir sacaddiba, haddana xawaarihiisa seddex jibbaar ayaa kor loo qaaday.

Kooxda oo astaanta ay gaariga ku dhajin lahaayeen buufinaya

Sameynta gaadhiganna waxaa iska kaashaday shirkadda diyaaradaha soo saarta oo laga leeyahay Norway iyo Dalka koonfur Afrika.

Mashruuca gaadhiga dunida ugu xawaaraha dheereeya si suuqyada caalkamka looga soo bandhigo soo saaristiisu waxay u baahan dhaqaale aad u badan taasoo u baahan in shirkadaha waaweyn ee gawaadhida soo saara iney iska kaashadaan si ay ugu darsadaan saami dhaqaale oo ku filan..

Tijaabida gaariga ee lagu sameeyey airboorka Newquay

Guud ahaanna mashruuca gaadhigan saacaddi soconaya xawaara dhan 1,000 km wuxuu sheegay inuu qiimaha gaadhiga uu la mid noqon doon kan gaadhiga Ferrari waxaa si buuxda loo soo gabagabeeynayaa 2019-ka.

Ilaa iyo 2020 waxaa lagu wadaa in xawaaraha gaadhigan Supersonic in la gaadhsiiyo ilaa iyo 1500 kiilo miitir saacaddi inuu socdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker