UNICEF oo cambaareysay shaqaale lagu dilay Muqdisho

Hay’adda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa cambaareysay dil shalay  magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo.

Dilka ayaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday, kuwaas oo olole tallaal ka waday degaanka markii la toogtay.

 

“UNICEF waxaa ka argagixiyey weerarkii goor hore oo shalay Muqdisho ka dhacay, kaasi oo si naxdin leh ay noloshooda ugu waayeen laba shaqaale gargaarka bani’adaanimo ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka UNICEF.

“Shaqaalahan geesiyayaasha ahaa ee tallaalka dabeysha ayaa furinta hore ku jiray ayaga oo noloshooda u halis gelinayey inay adeeg caafimaad oo muhiim ah siiyaan caruurta baylahan. Waxaan tacisdeena u yabooheynaa qoysaska dhibanaayasha.”

 

UNICEF ayaa sheegtay in weerarada ka dhanka ah shaqaalaha caafimaadka ay xadgudub ku yihiin xeerarka caalamiga ah, ayna tahay inaan loo dulqaadan.

“UNICEF waxay sida ugu xooggan u cambaareyneysaa weerarkan fuleynimada leh, waxayna ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta inay baaritaan buuxa ku sameeyaan. Shaqaalaha gargaarka waa inaan marnaba la beegsan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker