Daawo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Oo La Shiray Xisbiyada Mucaaridka ah Ee Itoobiya

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta la shiray 81 hoggaamiye ee xisbiyada mucaaridka dalkaasi, kuwaasi oo qaarkood ay Itoobiya dib ugu soo noqdeen markii ay muddo dibadda ku noolaayeen.

 

Waxa kulanka uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed la shiray ay ka wada hadleen dib u habaynta iyo isbeddelka dalkaas ka dhacay, gaar ahaan sidii loo hirgelin lahaa nidaamka  dimuqraadiyada Itoobiya.

 

Warku wuxuu intaas ku daray in Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya uu kala xaajooday hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka  dib u habaynta xeerarka doorashooyinka iyo sidii doorashooyinka waddankaasi u noqon lahaayeen qaar u qabsooma si xor iyo xalaal ah.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker