Doorashada Wadanka Pakistan: Ciyaaryahan Hore Imaran Khan oo hogaaminaya codadka la tiriyay iyo xisbiyada mucaaradka Ah oo sheegay in lagu shubtay doorashada Pakistan Faah-faahin.

 

Xidigii hore cricketer Imran Khan oo haatan noqday siyaasi hogaamiya xisbiga Tehreek-e-Insaf ee dalka Pakistan ayey u muuqataa in uu hogaaminayo tirinta codadka doorashada guud ee dalka Pakistan ee shalay dhacday.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in uu hogaaminayo mas,uulkan kadib codadka maanta oo khamiis ah ay tiriyeen inkastoo wali ay socoto tirinta.

Kuraasta barlamaanka ayaa 113 kursi oo ka mid ah waxaa ku horeeya xisbiga Imran iyadoo kuraasta guud ay tahay 272 kursi.

Xisbiga Muslim League-Nawaz oo uu hogaamiyo ra’isul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif oo xabsi ku jira ayaa helay 66 boqolkiiba halka wiilka haweeneydii horey u hogaamin jirtay xisbiga Pakistan Peoples Party uu isna helay 39 boqolkiiba kuraasta barlamaanka.

Shehbaz Sharif oo ah walaalka Nawaz oo ah madaxa Xisbiga PML-N ayaa ku gacan seydhay natiijada doorashada waxaana uu sheegay in milatariga Pakistan ay korjoogtada xisbiyada ay ka saareen xarumaha codbixinta.

Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay codadkii dadweynaha la xado.
Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Arintan ay tahay mid naxdin iyo dhabar jab ku ah dastuurka Pakistan.

Dhanka kale gudiga doorashada ayaa shaaciyay in ay cilad soo wajahday qalabkii doorashada taasi oo loo aaneyay dib u dhaca ku yimid natiijada doorashada.

Gudiga ayaa sheegay qalabkii deegaanada ka soo gudbinayay natiijada uu gabi ahaanba cilad ay soo wajahday.

Hadii xisbiga Tehreek-e-Insaf ee uu hogaamiyo Imran Khan uu ku guuleysto ayaa waxaa ay ka dhigan tahay in 71 sano kadib uu is badal ku yimaado maamulkii xisbiyada Pakistan oo awal laba xisbi ay soo maamulayeen.

Natiijada Doorashada Wadanka Pakistan Kala Soco (OODWAYNE NEWS)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker