Xisbiga Islaam Nacaybku Madax maray ee lagu magacaabo ( Likuud) oo si wayn ugu Horreeya Doorashooyinka Dalka Israaiil

srael  (OWN):- Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa u muuqda in markii shanaad uu xilkaas qaban doono, ayada oo natiijooyinka doorashadii adkeyd ee dhacday Salaasadii ay muujinayaan in xisbigiisa Likud iyo xulafadiisa Garabka Midig ay ku habboon yihiin inay soo dhisaan dowlad wadaag ah.

Ayada oo la tiriyey 97% codadka doorashada, Likud iyo xisbiga White and Blue ee uu hoggaamiyo Jeneral horey uga tirsanaa milatariga ayaa haysta kuraas isku mid ah.

Ayada oo midna uusan awoodin inuu ku guuleysto aqlabiyadda Knesset-ka, waxaa qasab noqon doonta in la dhiso dowlad isbahaysi ah. Likud iyo iyo xisbiyada xulufada la ah ayaa heli kara 65 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka.

Labada xisbi ee Likud iyo Blue and White ayaa midba guul uu sheegtay saacado kadib markii codbiixnta ay dhammaatay.

Netanyahu ayaa taageerayaashiisa u sheegay in Likud ay gaartay guul aad u weyn. Waxa uu sheegay in inkasta oo dowladdiisa wadaagga ah ay noqon doonto mid dhinaca midig ah, haddana uu ra’iisul wasaare u noqon doono dadka oo dhan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker