Police_ka Gobolka Minisoota ee dalka Maraykanka.oo Toogasho ku dilay Muwaadin Somaliyeed

Ciidamada Booliska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minasota ee dalka Mareykanka ayaa Toogasho ku dilay  Muwaadin Soomaaliyeed,

 

Xilli uu ku sugnaa halka ay iska galaan Wadada Loonyaqaano Siger iyo leg-street.

 

Jeylaani Xuseen oo Madax ka ah Hay’ad u dooda dadka Muslimiinta ah ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay rasaas ku fureen Gaariga uu watay muwaadinka Soomaaliyeed, sidaasina uu ku dhintay.

 

 

Lama oga weli sababta keentay dilka ay muwaadinka Soomaaliyeed, hayeeshee Taliyaha Booliska Magaalada Minneapolis ayaa sheegay in markii hore Gaadhiga uu watay Ninka Soomaaliga ah ay rasaas kasoo dhacday, sidaasina Ciidamadu ay rasaasta ugu fureen.

 

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in Taliyaha uu cadeeyay in Maalinta berito ah ay soo bandhigi doonaan muuqaal la duubay oo ku saabsan sidii  uu falka u dhacay, si loo helo cadeymaha sababta keentay dilka.

 

Goobta muwaadinka Soomaliyeed lagu dilay waxaa isugu soo baxay dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo aad uga xumaaday dilka muwaadinka Soomaaliyeed, iyaga oo dalbanayay in uu cadaalad helo.

 

Magalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa horay uga dhacay dilal loo geystay dadka Madowga ah oo uu kamid ahaa Nin Madow ahaa oo lagu Magacaabi jiray George Floyd, kaas oo dilkiisa ay ka dhasheen banaanbaxyo rabshado watay oo aad u Ballaadhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker