Nin Hubaysan Oo Xalay Saddex Nin Ku Wada Dilay Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Nin hubeysan oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka dowladda ayaa xalay fiidkii waxa uu waaxda Jamhuuriya ee xaafada Al-cadaalada ee degmada kaaraan ku dilay laba nin oo wada dhashay iyo mid kale oo ilmo adeer ay ahaayeen.

Ninka hubeysan ee dilka geystay ayaa laftirkiisa ay qaraabo ahaayeen dadka uu laayay, iyada oo sababta dilalkan ka dambeysay lagu sheegay in ay la xiriirto is qabqabsi dhuleed.

 

Gacan ku dhiiglaha ayaa dilka wuxuu u adeegsaday qoriga Ak47, kadib markii guriga ay ku sugnaayeen raggaan uu ugu galay.

 

 

Gacan ku dhiiglihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, balse waxaa ku daba jira Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya, si gacanta loogu soo dhigo oo sharciga loo horgeeyo.

 

Hay’addaha ammaanka oo tagay goobta uu falka ka dhacay ayaa waxa ay soo qaadeen meydadka Saddexda nin, iyada oo la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da.

 

Dhacdadan ayaa waxaa aad u hadal haya dadka ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, maamulka degmada oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arrimahan ayaa ka jawaabi waayay wicitaankeena.

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker