Erdogan: Doorasha kasta waxay leedahay Fursad iyo Imtixan labadaba

 

By Suxufi Sinyoore

 

Madaxweynaha Turkiga Racip Tayip Erdogan ayaa sheegay xisbiga talada turkiga haya ee AKP inuu ku guuleystay doorashadi dowladaha hoose ee bishi hore ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay isu soo bax magaalada Ankara ka dhacay oo ay isugu yimaaddeen taageerayaasha xisbiga AKP ayaa sheegay “Doorasha kasta iney leedahay Imtixaan iyo Fursad loona baahan yahay in halgn adag loo galo.”

“Doorashadi 31-ka maarso ka dhacday dalka Turkiga ee dowladaha hoose si weyn ayaan ugu guuleysannay” ayuu yiri.

Wuxuuna Mr Erdogan intaa ku daray inuu xisbigisa uu doorashada ka helay 44.4% cod taasoo ka dhigan codadki ugu badnaa ee uu xisbiga AKP ka helo doorashada dowladaha hoose.

 

Hase yeeshee doorashada ka dhacday magaalada Istaanbuul su’aal ayaa ka taagan, hase yeeshee “si ay shacabku u niyad jabin wixi shaki ah ee jira waa in la tirtiraa” ayuu yiri.

Malaayiin cod bixiyeyaal oo dalkaasi Turkiga ku nool ayaa doorashadi dowladaha hoose ee dalkaasi ka dhacday 31-ka Maarso ku doortay maayarrada magaalooyinka, xubnaha golahayaasha hoose, iyo mas’uuliyiin kale oo ay shacabka codkooda ku soo doortaan.

Xisbiga Mucaaradka oo duqa magaalada Istanbuul ku guuleystay

Musharaxa xisbiga CHP Ekrem Imamoglu ayaa shir jaraa’id ka sheegay in uu yahay duqa magaalada Istanbul, waxa uu sidoo kale boggiisa Twitter-ka ku qoray sidaas.

Natiijooyin horudhac ah oo soo baxay ayaa muujinayay in uu ku guuleystay 25 kun oo cod, balse xisbiga talada haya ayaa maxkamad geeyay natiijada, doodna galiyay.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa magaalada surey boorar waaweyn oo ay ugu dabaaldegayaan guushooda magaalada Istanbul.

Xisbiga talada haya waxa gacantiisa ka baxay magaalada caasimadda ah ee Ankara iyo Izmir oo ah tan seddexaad ee ugu weyn dalkaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa u muuqda in uusan diyaar u ahayn in uu ogolaado in ay gacantiisa ka baxdo magaalada Istanbul, halkaas oo ah magaalada ugu weyn Turkiga, islamarkaasna ah xarunta dhaqaalaha.

Boorarka guusha ee xisbiga AKP ee IstanbulLahaanshaha Boorarka guusha ee xisbiga AKP ee Istanbul
Presentational white space

Xisbiga talada haya ayaa sheegay in codad aanan sax ahayn oo ka yimid goobaha qaar ay haleeyeen natiijada, iyaga oo ku tilmaamay bar madoow oo soo gaartay taariikhda dimoqoraadiyadda Turkiga.

Balse siyaasiga mucaaradka Mr Imamoglu ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay ” illaa shalay waxa ay lahaayeen Turkiga waxaa u qabsoomay doorasho sharaf leh, hal milyan oo qof oo shaqaalaha doorashada ah ayaa habeenkaas hawsha ku jiray” ayuu yiri

Caqabadda hadda dowladda haysata ayaa ah eedeymo ku saabsan in mucaaradka u diideen in ay dood maxkamadeed galiyaan doorashadii Ankara ee sannadkii 2014-tii, hadda markii laga guuleystana ay mucaaradka dacwad ku fureen.

Taageerayaasha mucaaradka oo dabaaldeg ka dhigay magaalada Istanbul

Ekrem ayaa qaba in natiijada doorashooyinka ay ka dhigantahay biloowga dhammaadka xukunka mudane Erdogan oo 16 sannadood soo maamulayay Turkiga “Wax kasta dhammaad ayay leeyihiin” ayuu yiri

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker