Soomaaliya Iyo Shiinaha Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Amniga+Sawirro

Maalintii shalay oo Sabtida ahayd, kuna beegnayd 15 June, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  ah ee Somalia, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China Mudane Qin Jian.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sidaweyn u taageera Soomaaliya,waxaana ay ka fulisay mashaariic horumarineyd oo dhowr ah, iyada oo heshiisyo la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker