Ganacsade Soomaali ah Oo Lagu Dilay South Africa

Kooxo burcad koonfur Afrikaan ah ayaa magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika dil ugu geystay wiil dhalinyaro ahaa kaasoo kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afirka. Ehelada marxuumka ayaa sheegay in burcada Koonfur afrikaanka ah ay wiilkan dhalinyarada ah ku dileen goobtiisa ganacsi xili uu kuguda jiray howlihiisa shaqo.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Socdaal yare ayaa dilkiisa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Philipi oo hoos yimaada magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika.

Dilka marxuumka oo dhacay gelinkii dambe ee Maanta ayaa cabsi iyo walbahaar ku abuuray dadka Soomaalida ee ganacsiyada ku leh deegaanka uu ka dhacay falkan waxaana jirin howlgal looga daba tagay kooxii burcad koonfur Afrikaanka ahaa ee dilka geystay.

Dhacdadan lagu dilay Socdaal yare oo kamid dhalinayarada Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku lahaa magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika ayaa kusoo aadaysa xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay yaraayeen falalka khaarijinta ah ay burcada Koonfur Afrikaanka ku bartilmaameedsanayeen ganacsatada Ajaaniinta ah oo ay Soomaalidu kamid tahay.

Si kastaba dilalka ka dhaca dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa loo geystaa Soomaalida ganacsiyada firfircoon ku leh dalkaasi, waxaana dhacda in dableyda dilalka geysata aanan gacanta lagu soo dhigin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker