Jaamac Shabeel Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Xil-Ka-Qaadistiisa, Axmed Cabdi Dheerana Ku Sheegay Nin Aanu Booskiisuba Aan Sax Ahayn

Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Mudane Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa gaashaanka ku dhuftay xil ka qaadistii shalay xisbigu ku sameeyey isaga oo sheegay in xilka qaadistiisu aanay sharci ahayn iyo in jagada guddoomiye ku xigeenka labaaad ee xisbiga Kulmiye ay bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeedho xubnaha guddida fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go’aanno qaataan iyada oo ay dhinaca kalena soo baxayaan warar sheegaya shakhsiga loogu hadal haynta badan yahay buuxinta mansabka laga qaaday Jaamac Shabeel.

Jaamac Shabeel, Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee shalay xilka qaadista lagu sameeyey wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay hay’dda ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sarreeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay isaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan uuna gadaal ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xidhiidhta.

 

Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Mudane Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo la hadlayay laanta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC waxa uu sgeegay in Guddoomiye ku xigeenka labaad ee ku saxeexnaa qoraalkii shalay xilka lagaga qaaday aanu awood u lahayn uu isaga xilka kaga qaadi karo sidoo kalena aanay jirin fadhi ay yeesheen xubnihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee isaga doortay ee uu guddoomiyaha u ahaa. Isaga oo sheegay in jagadaasi Guddoomiye ku xigeenka labaad ay bannaan tahay oo aanay jirinba xisbiguna aanu ansixinba ninka xilkaasi ku magacaaban ee Axmed Cabdi Dheere. Sidaasi darteed iyada oo ay dalka koogaan Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkii xisbigu aanu sharci ahayn isuguna yeedhi Karin guddida Fulinta go’aamana aanay qaadan Karin. Jaamac Shabeel waxa uu BBC-da u sheegay in Golaha dhexe ee Xisbigu tahay hay’adda ugu sarraysa xisbiga kana sarrayso Guddida Fulinta, sidaa darteed maadaama isaga lagu dooray shirweyne (Congress) aanay cidina xilka ka qaadi Karin wakhtigan xilka qaadistaasina tahay mid qayrulsharci ah.

 

Dhinaca kale warar xalay warbaahinta soo gaadhay waxa ay xusayaan in siyaasiga loogu hadal haynta badan yahay buuxinta mansabka uu banneeyey Guddoomiye Jaamac Shabeel uu yahay Masuul in muddo ahba hore raacdo ugu jiray marar badana kaambayn iyo tartanba u galay sidii uu booskaasi u buuxin lahaa ayaa la sheegay in uu yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ay isku deegaan ka soo jeedaan Jaamac Shabeel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker