Waxay u mahadcelisay gabar aysan garanayn oo noolasheeda badbaadisay, Qormo aad u Xiiso badan

 

Alin Gragossian, waa 31-jir, waxaa ka yaabiyay markii ay furtay warqad uga timid qoyska ay ka dhalatay haweeneydii laheyd wadnaha badbaadiyay nolosheeda dhowr bilood ka hor.

“Waxaa la iga soo wacay isbitaalka oo waxa ay ii sheegeen inay warqad iiga hayaan qoyskii iigu deeqay wadnaha. Kalkaaliyaha ayaa ii sheegay in uu warqadda email iigu soo diri doono, hasayeeshee waxaan u sheegay inaanay sidaas sameyn. Sababtoo ah diyaar uma aanan ahayn inaan akhriyo,” ayey tiri.

Dhowr maalmood kaddib warqaddii ayaa soo gaartay. Alin waxa ay sheegtay inay ilmaysay markii akhrinaysay xogta ku saabsan haweeneyda da’da yar ee cajaa’ibka badan ee geerideedu ay badbaadisay nolosheeda.

 

 

 

 

 

 

“Markasta waan ogaa in qofka wadnaha iigu deeqay uu bini’aadam ahaa, balse markii aan qofkaasi akhriyay xogtiisa ayaa waxa ay taasi ii noqotay wax dhab ah oo aanan la filayn.

“Sadarkasta ee akhriyo xaadda ayaa I istaagaysay. Waxyaabo badan ayaannu iska shabahaynay.

“Waxaannu aheyn laba gabdhood oo da’yar oo kala jiifa qololka daryeelka gaarka ah ee isbitaalka, oo qof kasta waxa uu sugayay cidda hor dhiman doonta,” Alin ayaa sidaasi sheegtay.

Farriin ayey soo dhigtay baraha bulshada, iyadoo ballanqaadday in wadnaheeda cusub “ay si wanaagsan u isticmaali doonto” iyadoo leh “wadnaheenna ayaa kuu mahadcelinaya”.

Presentational white space

Alin, waxa ay ka soo jeedda magaalada Philadelphia ee waddanka Mareykanka, waxa ay baranaysaa caafimaadka oo waxa ay ka shaqeysaa dawooyinka degdega ah waxa ayna ku takhasusaysaa qeybta daryeelka gaarka ah.

“Ka hor arrinta I qabsatay, shaqadeyda waxaa qeyb ka aheyd inaan taleefan u diro hay’ad ka shaqeysa inay ku deeqdo xubnaha jirka kaddib markii uu bukaan dhinto,” ayey tiri.

Presentational grey line

Alin ayaa horay warqad waxa ay ugu qortay qoyska wadnaha ugu deeqay, hasayeeshee ma ay garan karto inay warqadeeda akhriyeen iyo inkale.

Mareykanka, xogta ku saabsan qofkii xubin ku deeqa waxaa la siin karaa oo kaliya qofka xubintaas la siiyay waa haddii qoyska xubinta ku deeqay uu dalbado amaba uu ogolaado inuu xiriir dhaco.

Alin in her hospital bed after her heart transplantAlin Gragossian Janaayo 2019 waxaa loo tallaalay wadne

Hannaanka saxda ah ee arrintaasi loo maro ayaa gudaha dalkaasi ku kala duwan, hasayeeshee xarumaha xubnahaasi isku talaala ayaa waxa ay u dhaxeeyaan qoysaska xubnaha ku deeqa iyo kuwa la siiyo.

Shabakadda maamusha hannaanka lagu bixiyo xubnaha jirka ee Mareykanka ayaa waxa ay dhiirigelisaa inaanan la sheegin dhammaan magacyada dadka arrimahaasi ku lugta leh.

Haddaba maadaama aanay jirin qaab ay ula xiriirto qoyska ugu deeqay wadnaha, ayaa waxa ay go’aansatay inay farriin soo dhigto baraha bulshada.

“Dhiigayaga oo kaliya isku mid ma ahan ee wax badan ayaan iska shabahnaa,” ayey qortay. “Malah waxaan noqon lahayn saaxiibo aad u wanaagsan. Hasayeeshee waqtigaa qaabka ugu adag inagu kala geeyay. Maalinta ugu dambeysa ee noloshaada, iyo maalinta ugu horraysa ee nolosheyda. Maalinta ugu xun noloshaada iyo maalinta ugu wanaagsan nolosheyda.”

Alin ayaa sheegtay inay tixgalinayso sida ay rabaan qoyska ugu deeqay wadnaha ee ah inaanan la shaacin, sidoo kalana ay aad uga taxadartay inay shaaciso xogta ku qorneyd warqadda.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxa ay qirtay inay rajaynayso in qoyska ugu deeqay wadnaha ay arkaan jawaabteeda, ayna dareemaan sida ay ugu mahadnaqayso.

The letter Alin Gragossian received from her donor's familyWarqaddii ka timid qoyska Alin wadnaha ugu deeqay

Farriinta ay baraha bulshada soo dhigtay ayaa waxaa ka dhashay farriimo kale oo loogaga hadlayo xiriirka ka dhaxeeya dadka xubnaha ku deeqa iyo dadka la siiyo.

Qaar ka mid ah dadka xubnaha helay ayaa sheegay inay “waxoogaa ka maseerayaan” Alin inay haysato qaabkii ay kula xiriiri laheyd qoyska xubinta ugu deeqay.

Presentational white space

Lynette Hazzard, waxay ka soo jeedaa gobolka Nevada ee waddanka Mareykanka, waxa ay garanaysaa sida uu xaal yahay marka aad ka soo jeedid qoyska xubinta ku deeqay ee aad xiriir la sameynaysid qofkii xubintaasi la siiyay.

Wiilka Lynette Justen ayaa waxa uu dhintay isagoo 20-sano jir ah.

Dhowr sanadood ayuu xanuunsanayay qoyskiisa ayuu markaas la hadlay oo uu u sheegay inay ka go’an tahay inuu xubnihiisa ku deeqo.

Wadnaha Justen, sanbabaha iyo kalyihiisa intuba markii uu dhintay kaddib waxaa la kala siiyay afar qof oo kala duwan.

Lynette ayaa waxa ay warqad u qortay dhammaan dadkaasi la siiyay xubnaha wiilkeeda waxaana soo jeetay markii ay aragtay farriinta ay Alin soo dhigtay Twitterka iyadoo qeexaysa “sida ay ugu mahadnaqeyso, u jeceshahay una qadarinayso xubinta loogu deeqay”.

Justen HazzardJusten waxa uu ku deeqay wadnihiisa, sanbabaha iyo kalyihiisa markii uu dhintay isagoo ay da’diisu 20-jir aheyd

“Dhowr bilood ayey igu qaadatay inaan qoro warqadda sababtoo ah waxaan haleeli waayay erayadii aan qori lahaa,” Lynette ayaa sidaasi sheegtay. “Waa ay adkeyd inaan warqad kooban ku sheegno cidda uu wiilkayaga ahaa.

“Waxaan doonayay inay ogaadaan inuu ahaa wiil dad jecel oo naxariis badan adkaysina lahaa. Waxaan doonayay inaan hubiyo inay ogaadaan inuu jeclaa inuu dadka kale caawiyo oo uu wax badan siiyo, kaddib xitaa markii uu dhintay.”

Lynette ayaa sheegtay inay ogaato in wiilkeeda uu dad kale caawiyay inay xusuustiisa sii noolaynayso.

“Waxaan dareemayaa inuu weli nool yahay , oo uu dad kale ku dhex nool yahay. Waxaan rajaynayaa in dadka xubnahaas helay aanay weligood ilaawi doonin.”

Lynette Harzzard and Justen HazzardJusten iyo Lynette Hazzard

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker