Hubka Lagu Caawiyo Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo si Fudud ugu Gacan Gala Ururka Alshabaab

Muqdisho (OWN) – Korneyl Macow Cabdullaahi Cali oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee NISA ayaa sheegay inay suur-gal tahay inuu kooxda Al-Shabaab u gacan galo hubkii ay dhowaan Masar ugu deeqday dowladda federaalka ah ee Somalia.

 

 

Macow oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in labo hab ay Al-Shabaab ku heli karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan aag, kadibna ay ciidamada uga furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuq madow, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hubkaan oo ay ku jiraan kuwa culus uu xad-gudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo sidoo kale cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Korneyl Macow C/laahi Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay hubka yar-yar ee ay heystaan Al-Shabaab, si ay ugula daagalanto, isaga oo sheegay in hubka waa weyn loogu talagalay difaaca xuduudaha laga soo galo dalka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dalka Marsar ay culeys iyo isla-xisaabtan kala kulmi doonto golaha ammaanka ee Qaramada Midoowbay, iyagoona wax ka weydiin doono hubka aan lala ogeyn ee ay soo gelisay gudaha Soomaaliya.

 

 

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Mareykanka oo mug weyn ku leh golaha ammaanka uu walaac ka muujiyey hubka ay Masar ugu deeqday Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker