Ururka AlShabaab oo Ciidan badan ku dilay, gaadiidna ku qabsaday Ceel-Saliini

Marka (own) – Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhiga ay daganaayeen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku yaalla degaanka Ceel-Saliini oo ka tirsan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaalka kadib gudaha u galay Ceel-Saliini, iyagoo ku dilay Ciidamo badan oo katirsan Milateriga Soomaaliya, sida ay noo sheegeen Saraakiil ka tirsan maamulka gobalka Shabeelada Hoose.

Al-Shabaab ayaa weerarka qaaday subixii hore ee maanta xili ay hurdayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay ku waramayaan dadka degaanka.

Al-Shabaab ayaa dagaalkaasi ku qabsaday 8 gaadhi oo nuuca dagaalka ah iyo kuwa saanadda ciidamada lagu qaado sida ay ku waramayaan masuuliyiinta gobalka Shabeelada Hoose.

 

Al-Shabaab ayaa gaadiidka ay qasbadeen waxay kala yihiin, 2 gaari oo uu ku xiranyahay qoriga Suugga, 3 gaari oo Cabdi-bile ah, 2 gaari oo kuwa saanadda qaada ah iyo hal gaari oo Booyad ah, iyadoo ay gubeen gaadiid kale oo socon waayay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale, weerar ku qaaday Tuulada Awdheegle ee Gobalka Shabeelada Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta gobalka.

Waa weerarkii ugu adkaa oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan gobalka Shabeelada Hoose, tan iyo markii lagu laayay bilaawgii bishaan dagaal ka dhacay Awdheegle. Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay u diyaar-garoobeyso xorreynta Shabeelooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker