“Carruurtii ku dhacday bohosha ku taalla Thailand oo farriimo soo diray.

Wiilashii u dhashay Thailand ee ku dhacay bohosha ayaa waalidiintood u soo qoray warqado ay ku leeyihiin “ha walaacina, tabar ayaan leenahay”.

Waxaa laga cabsi qabaa in Axadda ay roobab xoog leh da'aan oo biyuhu ay sare u kacaan

Warqadaha oo gacanta lagu qoray ayey ku weydiisanayeen cuno, ay qaarkood ku dalbanayeen digaag la dubay.

Farriimaha ayaa waxaa ka soo qaaday quusayaal ka tirsan ciidanka badda ee Thailand.

Mid ka mid ah farriimaha ay soo qoreen wiilasha

Tababarihii kooxdaas wiilasha ah ayaa isna raalligelin u diray waalidiinta carruurtaas.

12kaas wiil iyo tababarahooda ayaa eeg-eegayey qaybaha bohoshaas ka kooban tahay, markii ay ku xannibmeen, oo uu halkaa ugu galay daad, 23kii Juun.

Kooxaha gurmadka ayaa eegaya sida ugu wanaagsan ee wiilashaas loo samata bixin karo, Iyadoo saadaasha hawadana ay sheegayso in Axadda la filayo roobab xoog leh

XIGASHO BBC SOMALI NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker