Ganacsade Soomaaliya Oo Minnesota Dagan Oo U Balanqaaday Shaqaaalaha Dowlada Maraykanka Qado Bilaasha Intay Hakadka Ku Jiraan Oo Ay Bilaa Mushaharka Yihiin.

USA-(OWN)-Mulkiilaha Afro Deli Cabdiraxmaan Ciise Kaahin ayaa shalay oo ahayd Arbaco sheegay in ay siin doonaan Qado bilaash ah shaqaalaha u shaqeeya dawladda federaalka oo hakad ku yimi shaqadoodii & mushahaaraadkoodii dawladda dhexe ayna shaqaalahani helaynin wax lacag ah mudadaan.

Howlaha dowladda dhexe Mareykanka ayaa xidhan 26 cisho ee la soo dhaafay, lama Ogaan karo xiliga ay dib u furmayso hawlaha dowlada oo ay Trump iyo Xisbiga Dumiriqaadigu isku haystaan lacagtiilagu dhisi lahaa darbi wayn oo dhaxeeya Mexico & Maraykanka.

Mulkiilaha ganacsiga Afro Deli Cabdiraxmaan Ciise Kaahin yidhi, “Waa wax aan caddaalad ahayn, shaqaalahan aan taageeraynana waa xubno ka tirsan bulshadda Minnesota, xaaalada ay ku sugan yihiina ee mushahar la’aanta iyo shaqada dowladda ee xidhan waa arrin laga xumaado oo nasiib daro ah,”

Cabdiraxmaan Kaahin ayaa sheegay inaan doonayaan inay caawiyaan walaahaa dhibtu ku dhacday oo laga yaabo inaysan aawoodin in haystaan wax ay qado ku iibsan karaan, waxayna naga tahay naxariis iyo wanaag aan u hayno dadkeena Minnesota ayuu yidhi

Sidoo kale ganacsade Abdirahman Kahin ayaa yiri, “Waxaan dooneynaa in ay shaqaalaha dowladu ay ogaadaan in aan taageerayno oo aan hiil iyo hooba la garab taaganahay.”

Haddaba maamulka Makhaayadda Afro Deli ayaa sheegay oo si rasmi ah barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ku shaaciyay in laga bilaabo shalay oo ah Arbaco ay bixin doonaan qado siina doonaan shaqaalahaa.

Shalay waxaa markuu uu shaaciyey waxaa yimi tiro dhowr& toban qof , waxaase la filayaa buu yidhi in maanta oo khamiis ah ay ka sii badan doonaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker