Maxkamadda ICC oo Danbi ku heshay Hogaamiyihii Hore ee Falaagada Dalka Congo Ntaganda Bosco

Suxufi Sinyoore

Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada ee loo soo gaabiyo ICC ayaa maanta hogaamiyihii hore ee fallaagada dalka Congo, Bosco Ntaganda ku heshay dhamaan 18 dacwadood oo lagu soo oogay oo isugu jiray danbiyo dagaal iyo danbiyo ka dhan ah aadanaha.

 

Isagoo is difaacayay intii uu socday dhageysiga maxkamadeyntiisa oo ka dhacday magaalada Hague ee dalka Holland, ayuu Ntaganda beeniyay inuu yahay dilaa iyo danbiile dagaal. Wuxuu ku adkeysay inuu ahaa askari balse uusan aheyn danbiile dagaal.

Dacwad oogayaasha maxkamadda ICC ayaa sheegay in Ntaganda uu hogaaminayay jabhaddii Union of Congolese Patriots ((UPC)), taasoo gobolka Ituri ee badiga dalka Congo ka geysatay gaboodfallo isugu jiray dil, kufsi iyo boob inti u dhaxeysay 2002 iyo 2003.

 

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker