Wasiir Siciid Sulub Oo Fagaare Ku Bah-dilay Wasiirka Biyaha Iyo Loolanka Siyaasadeed Ee U Dhexeeya.

Maal-mihii ugu dambeeyey ayaa waxa si weyn loo haddal hayey weedho kakan oo ay fagaarayaal isku dhaafsadeen Wasiirka Wasaaradda xannaada xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiirka Biyaha Cali Mareexaan,kuwaas oo la socda weftiga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee socdaalka la xidhiidha hawlaha taakulaynta abaaraha iyo xog oggaal noqoshada bulshada ku maraya Gobollada Barriga dalka.

Haddaba Wasiir Siciid Sulub iyo Cali Mareexaan ayaa marar kale duwan oo ay ka hadleen deegaano kale duwan waxa haddaladooda ka muuqatay inay isku muuqdaan, isla markaana ay si gaar ah iskugu durayeen weedho kale gedisan, kuwaas oo darreeno ka abuuray deegaannada qaar ay haddalada xanafta leh isku dhaafsadeen.

Wasiirka Xannaada Xoolaha oo ka hadlay deegaanka Oodweyne ayaa sheegay in mashaariicda biyaha ee lagga hirgeliyey deegaanada shanshacade iyo Balisugule iyo mashaariic kale ay hirgelisay Xukuumadda Madaxweyne Biixi,balse aanu ku faani karrin Wasiir Cali Mareexaan uu isagu libta mashaariicdaas iskugu sacaba tumay “Cali dhawr bilood ayuu joogaa hadda Wasaaradda, Ceelka shanshacadde iyo isaga ayaa kulmay ee muu lahayn isagu qorshaha wuu ka horeeyey oo hawshiisu wey socotay, tan balli sugulena iyana muu oggeyn ee hawl socotay ayuu meesha ugu yimi “ayuu yidhi Siciid Sulub

Cali Mareexaan oo ka dhinac oogsaday ayaa sheegay inuu isagu qorshaheeda lahaa “ugama imane ee labadaba anniga ayaa hirgeliyey oo qorshahooda lahaa “ayuu Wasiir Mareexaan.

Dhanka kalene Siciid Sulub oo mikirifoonka haysta ayaa ugu afceliyey maad oggeyn ee qorshayaasha Ceelka Shashacadde iyo Balli Sugule wuu kaa horeeyey ee aamus “waar midna uguma aad iman wey qorshaysnayeen hawl socotay ayaad meesha ugu timi ee dheggayso,waxaanad qaban kuma faani kartid Wasiirkii kaa horeeyey ayaa hirgeliyey Caliyow ha iska sheegan “ayuu yidhi Siciid Sulub.

Weedhahan ayaa markii ay maddasha isku dhaafsadeen waxa ka bilaabmay buuq,hase-yeeshaa Madaxweyne ku-xigaanka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida abaaraha ayaa ahaa mid daminaya oo xaaladda dejinaya mar kasta ,waxaanu sheegay in Wasiirka biyuhu uu Qaranka oo dhan u yahay wasiir, isla markaana aanu cid gaar ah metelin “Qaranku ma kale jecla qabiillada reer Somaliland Qaranku waa hooyo iyo aabbo ” ayaa kamid ahaa haddaladii Madaxweyne ku-xigeenka

Geesta kalene Wasiirka Biyaha ayaa mar uu ka hadlayey deegaanka Gobolka Saraar, isla markaana uu maddal ka jeedinayey haddalo faan u badnaa oo la xidhiidhay halgankii SNM, ayaa wasiir Sulub uu weydiiyey su’aal u muuqatay duur xul,kaddib markii uu ka yaabay faankiisa SNM,taas oo u dhignay sidan;-“Miyaan Kaare Kujiidhin?” Wasiir Cali Marexaan Oo ka Waramay halgankii SNM usoo Joogay Iyo Su.aashii Wasiir Siciid Sulub ,balse Cali Mareexaan ayaa ka gaabsaday waxaanu sii watey faankiisii.

Gunaanadkii labadan wasiir ayaa waxay u muuqdaan kuwo ay xurguf siyaasadeed ka dhaxayso, isla markaana is haya,kumana ay koobnayn haddalada ay is weydaarsadeen intaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker