Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya Oo Looga Yeedhay Maxkamadda Aduunka ee ICJ.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa u yeedhay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, sidda ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dalka ku meteli doono kulankan degdeg ah.

 

Halka Nairobi uu ka socdo Garyaqaanka guud ee waddankaas, Kennedy Ogeto, kaas oo mar sii horeysay iska xaadiriyey madasha.

Fadhigan degdeg ah ayaa ka dambeeyay markii Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ku aadan in kiiska dib loo dhigo illaa iyo September 2020-ka.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba kasoo horjeesatay codsigaasi ayna ku adkeystay 4-ta November oo hore loogu muddeeyay.

Sikastaba ha ahaatee, xeer-beegtada hoostagta Qaramadda Midoobay ayaa waxaa lagu wadaa in ay go’aan kama dambeys ah ay kasoo saarto arrinkan maalmaha soo aadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker