Maxaad kala Socotaa Ninkii Kaligii Samaystay Jaziiradda u Gaarka ah

Dabayaaqadii 1960-meeyadii, injineer u dhashay dalka Talyaaniga ayaa jasiirad isaga u gaar ah ka dhisay badda Adriaticka .

Jasiiraddaas oo ka koobneyd maqaayad, meel lagu caweeyo, dukaan iyo xafiis boostada ah. Waa sheeko aan caadi ahayn, taas oo aan la soo bandhigin muddo tobnaan sano ah.

Jasiiradda Rose, oo ah filim cusub oo ka bixi doona shirkadda Netflix ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa sheekada dhabta ah ee Giorgio Rosa iyo dagaalkii uu kula jiray dowladda Talyaaniga isaga oo doonayay in jasiiraddii uu naftiisa u dhisay loo aqoonsado dal madax bannaan.

Waxaa laga yaabaa inaadan maqlin sheekada, haddii aadan ku nooleyn magaalada waqooyiga Talyaaniga ku taalla ee Rimini, halkaas oo uu Rosa ka dhisay dal yar oo isaga gaar u ah.

“Waa sheekooyinka ka jira Rimini ee ay waaliddiinta uga sheekeeyaan caruurtooda iyo kuwa ay sii dhaleen,” ayuu yiri soo saaraha filimka Matteo Rovere. “Waa sheeko aad caan u ah, balse keliya laga yaqaanno gudaha Rimini.

Waxaanu u aragnay inay tahay sheeko aan caadi ahayn, isla markaana ay wax lala yaabo tahay inaynaan ka war heyn.”

Kahor geeridiisii sanadkii 2017 isaga oo jiray 92 sano, Rosa wuxuu la kulmay dadka aflaanta sameeya, kaddib markii ay ku qanciyeen wuxuu u fasaxay inay baahiyaan sheekada. Filimku wuxuu soo bandhigayaa dhismihii jasiiradda, iyo sidii uu Rosa u diiday codsigii dowladda Talyaaniga ee ahaa inuu burburiyo jasiiradda.

Filimku wuxuu muujinayaa dad isugu imaan jiray Jasiiradda Rose si ay ugu madadaashaan

Sheekadu waxay soo bilaabatay sanadkii 1967, markaas oo Rosa uu qorsheeyay inuu dhiso dal yar, kaas oo looga gol lahaa inuu calaamad u noqdo xorriyadda. Dad badan ayaa xilligaas u heystay inuu yahay qof waalan. Balse sida uu tilmaamayo wiiliisa, dhismaha L’Isola delle Rose wuxuu u baahnaa xirfad farsamo.

“Aabbahay wuxuu ahaa injineer weyn, gudaha Talyaanigana sidan oo kale ayaa lagu sheegaa si loo fahmo nooca qofka uu ahaa,” Lorenzo Rosa ayaa sidaas yidhi.

2px presentational grey line

Maxay ahayd

  • Sanadkii 1967, injineer u dhashay Talyaaniga oo lagu magacaabo Giorgio Rosa ayaa naqshadeeyay isla markaana dhaqaale ku bixiyay dhismaha dhul jasiirad cabbirkeedu yahay 400m oo isku wareeg ah taas oo 26m ka sarreysa biyaha.

Jasiiradda waxaa laga dhisay meel 12km u jirta xeebta Rimini, oo ka xaggeysa biyaha Talyaaniga, taas oo micnaheedu ahaa inay ka baxsaneyd gacanta maamulka.

 

  • Rosa ayaa isku magacaabay madaxweyne wuxuuna ku dhawaaqay in jasiiraddiisa ay tahay dal madax bannaan – oo lagu magacaabo Jamhuuriyadda Jasiiradda Rose.

Maamulkii xilligaas ayaan ku farxin dhismaha jasiiradda ee aan laga war gelin isla markaana soo jiidaneysay dalxiiska iyada oo la bixin wax canshuur ah.

Waxaa sidoo kale la sheegay in jasiiradda loo adeegsan jiray in khamri lagu cabo isla markaana lagu dheelo khamaar, siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in jasiiraddu ay khatar ku tahay ammaanka qaranka.

 

  • Kaddib 55 maalmood markii lagu dhawaaqay madax bannaanida jasiiradda 24 June 1968, Talyaaniga ayaa ciidamo milatari ah u diray jasiiradda. 11-kii Febraayo sanadkii 1969 ayayna burburiyeen jasiiradda.

 

Maalmo kaddib, duufaan ayaa qarisay gebi ahaanba dhismaa. Maanta, haraaga dhismaha ayaa ka muuqda badda Adriatic.

2px presentational grey line

Jasiiradda Rose “oo ah sheeko ku saabsan xorriyadda, sida Giorgio Rosa uu uga soo horjeeday dowladda,” ayuu sheegay Rovere in. “Uusan dooneyn inuu ka soo horjeesto sharciga,

sababtoo ah sharciga sanadihii 60-meeyadii wuxuu dhigayay in haddii aad in ka badan lix meyl u jirto xeebta, ay tahay dhul aysan cedna lahayn, sidaas darteed aad ku sameyn karto waxaad doonto – sida inaad Dayaxa ku sugan tahay.

“Sidaas darteed wuxuu dhisay jasiiradda, taas oo ahayd mid yaab leh. Wuxuu ku dhisay isaga oo ay caawinayaan afar saaxiibbadiis ah iyo shaqaale yar,

Muddo lix bilood gudahood ah. Wuxuu soo saaray teknolojiyadda lagu dhisayo, aad ayuuna ugu qanacsanaa teknoljiyadda. Xaqiiqdii, markii aanu kala hadalnay [sameynta filinka] aad uma uusan xiiseyneyn sheekada,

Balse wuu ku qanacsanaa inuu nala wadaago teknolojiyaddii uu u adeegsaday dhismaha.”

Markii la dhammeystiray, waxay jasiiraddu durba soo jiidatay indhaha wargeysyadii Talyaaniga, iyadoo uu socday dagaalkii Vietnam War iyo dibadaxyo ka dhan ahaa xuquuqda rayidka, ayay dadka dhalinyarada ah isugu imaan jireen Jasiiradda Rose si ay ugu madadaashaan ayna u dareemaan xorriyad.

Dadaallada lagu doonayay in lagu xiro ayaa caan ka sii dhigay. Dowladda Talyaaniga ayaa isku dayday inay qaadacdo jasiiradda iyadoo sheegtay in loo adeegsado howlo aan sharci ahayn sida khamaarka iyo daroogada.

“Waxay sidaas u sameeyeen keliya waxay doonayeen inay burburiyaan sumcaddeeda,” ayuu yiri wiilka Rosa. “Waxay xitaa sheegeen in Ruushku uu adeegsanayay jasiiradda. Eedeyn kalena waxay ahayd in jasiiraddu ay tahay khatar oo aasaaskeedu uusan adkeyn, sidaas oo ay tahayna saddex jeer ayaa qarax lagu burburiyay.”

Wax u ek Jasiiradda Rose oo laga sameeyay Malta si loogu adeegsado filimka.

Runtii, xaddiga shaqada adag ee naqshadeynta iyo dhismaha Jasiiradda Rose ma ahayn mid fudud, waxaa taas caddeyn u ah markii agaasimaha filimka Sydney Sibilia iyo kooxdiisa ay isku dayeen dhismaha wax u ek jasiiradda si loogu adeegsado filimka.

Nasiib wanaag, filimka waxaa lagu duubay meel lagu dabaasho oo ku taalla Malta. Balse weli waxaa jiray caqabado.

Sibilia ayaa sheegay in xaaladdu ay adkeyd. Wuxuu sheegay in aflaanta lagu jilo dhul, in haatan lagu jilo biyo gudahoodna ay noqotay wax aan fududeyn.

Wuxuu hadalka ku soo gabagabeeyay: “Aalaaba waxay agaasimayaasha yaryar i weydiiyaan inaan talo siiyo, taladeyda waa tan: filimka dhulka ku duuba!”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker