Xildhibaanada baarlamaanka qaarkood oo eedeeyey dowladda Soomaaliya

Qaar kamid ah xildhibaanada iyo waxgaradka kasoo jeeda deegannada bariga gobolka Galgaduud, ayaa dawladda federaalka ku eedeeyay inay go’doomisay degmooyin iyo tuulooyin.

Deegaanadan, ayaa wali waxaa gacanta ku hayaAl-Shabaab ee ku yaala gobolka.

Tallaabadani ayaa waxay saameyn aan wanaagsanayn ku yeelatay kumannaanka qof ee rayidka ah ee dhulkaasi dagan.

Milatariga Soomaaliya, ayaa isku diyaarinaya duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, oo laga fuliyo degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri. Tuulooyinka hoos yimaada deegaanadan, ayaa muddo dheer gacanta ku hayey Al-Shabaab.

Faa’isa Maxamed Jeyte oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegtay in hannaanka lagu wajahayo la dagaalanka Alshabaab ee deegaanadan aanu ahayn mid sax ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker