Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) Ayaa Baaq Nabadeed U diray Beelaha Walaalo Ah Oo Ku Dagaalamay Gobolka Saaxil

Xildhibaanka,ayaa qoraalka baaqa ee ah soo saaray waxa uu u dhignaa sida tan: ”

Baaq nabadeed oo uu ku socda beelaha walaala ee dilalku ku dhexmarayaan Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil.

Anigoo ku hadlaaya Magacayga iyo dhammaan Magaca Xildhibaanada Golaha wakiilada waxaan ku baaqayaa, in si deg deg ah loo joojiyo, dagaalka dhex maraaya, labada beelood ee walaalaha ah, isku degaanka iyo ood wadaagta ah laguna badalo, jawi nabadeed , arinku wuxu noqonayaa , kaa dhimay oo kugu dhimay.

Shacabka Somaliland maanta xaalad adag ayuu ku jiraa kama bixi karaan dagaal sokooye oo ka bilaama Gobolka saaxil, danteenu waxay ku jirtaa in aynu amaanka ka wad shaqayno si wada jir ah .

Waxaan mar labaad ku baaqayaa in loo istaago sidi loo joojin lahaa, arrintan waa in ay u kacaan Golayaasha dawladda, Xisbiyada qaranka , cuqaasha, culumada, dhalinyarada, haweenka , dhammaan inta Nabad jecel oo dhan si loo helo jawi nabadeed islaax iyo sulux keeni kara”.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka tirsan Gollaha wakiiladda JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker