Dawlada Imaaraadka Oo u Sacabo Tumaysa XidhiidhKa Wanaagsan ee ay La yeelatay Dawladda Maraykanka .

Dubai (OWN):- Imaaraadka Carabta ayaa tallaabo muhiim ah ku qeexay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu codka diidmada qayaxan ugu adeegsadan qaraar congress-ka Mareykanka uu ku amray in lasoo afjaro ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dalka Yemen.

“Xaqiijinta madaxweyne Trump ee taageerada Isbahaysiga Carabta ee Yemen waa astaan wanaagsan oo muujinaysa taageerada Mareykanka ee ku wajahan isbaysigiisa Carabta” waxaa sidaas yidhi wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash oo qoraal soo dhigay twitter.

 

Go’aanka muhiimka ah ee Trump waa mid xeeladeed oo waqtigii loo baahnaa yimid” ayuu yidhi Gargash oo dowladdiisa ay dagaalka Yemen xulufo kula tahay Sacuudiga.

Trump ayaa go’aanka congress-ka ay ku diideen dagaalka Yemen ku qeexay mid aan loo baahneyn oo ah isku day halis ah oo wiiqaya awoodihiisa dastuuriga, islamarkaana halis gelinaya nolosha askarta Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in qaraarka congress-ka uu dhaawacayo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka iyo xiriirka Mareykanka uu la leeyahay dalalka kale.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker