Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo Markab taagan badweynta Soomaaliya kula kulmay Wefti ka Socda Midowga Yurub

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Muddane Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) )ayaa maanta booqday markab ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga ee qaybta ka ah howlgalka Atlanta ee  Midowga yurub , kaasi oo ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burca-badeeda.
 
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa  halkaasi kula kulmay wefti ka socda Midowga Yurub iyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, waxaana kullanka diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, iyo la dagaalanka Budhcad badeeda.
 
Muddane Khadar, ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka ayaa midowga Yurub ku boogaadiyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.
”Wefti ka socda midowga Yurub oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA  ee la dagaalanka Budhcad-baddeedka; ayaanu shir kuwada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaasi oo kamid ah Maraakiibta Budhcadda ka ilaaliya biyaha Caalamiga. Weftigaasi waxaanu kawada hadalay  arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Budhcad-baddeedku si wadajir ah looga gaadhi lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd warwar la’aan iyo nabad-qab” ayuu yidhi Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi Mohamed Gulleid.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker