Dibad-baxyo ka dhan ah Madaxweyne al-Sisi o ka dhacay Masar

Banaanbaxyo waa weyn ayaa maanta mar kale ka dhacay dalka Masar, ayada oo dad carreysan ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Qaahira iyo qaar ka mid ah magaalooyin kale ee dalka.

Dibax baxyadan oo muddo laba todobaad ahba ka dhacayay Masar ayaa sii xoogeystay ka dib markii ganacsade u dhashay dalkaas, ahna jilaa uu ku baaqay isu soo bax ay hal milyan oo qof ka qeyb galaan oo looga soo horjeedo madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi.

Booliiska ayaa awood xooggan muujiyey ayaga oo xiray alaabada laga galo fagaaraha Taxriir, si ay uga hortagaan dibad-baxayaasha.

Kooxaha Xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in in ka badan Kun qof loo xiray banaan baxyadii toddobaadkii hore ka dhacay dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker