TUKA-RAQ IYO COL.CAARRE IYO CADDAALADI DARRO DHEGII KU BATTAY BAL XAGGA GUURKA QURBAA OO LAGASOO DAYRINAYO AYNU EEGNO.

Muddooyinkan ummadda reer Somaliland waxaa dhegahooda iyo waayahooda ku BATTAY DAGAALO SOKEEYE, dagaalada SOKEEYE maaha dagaalada Somaliland ka dhex dhacay uu e dagaal kasta oo Somali ka dhex dhacaya waa dagaal SOKEEYE. Waxaa ina horyaal ay sannadkan COLAADO isasoo tarayey (TUKA-RAQ IYO ABU – BASIIR AH WAA COL. CAARRE) BAL arimaha waa la rogrogaaye aynu maanta dhuganno ninka Ninkan ITAAL FARASLE (HORSE POWER) iyo guurkii cajiibka ahaa ee kala kulmay wadanka Ingiriiska.

Ninkan ITAAL FARASLE waa nin jooggiisu aad u dheer yahay oo midabka kookakoolaha oo kale leh, ilka dabara leh oo socod qurux badan oo (camel walk) ah leh, qosol iyo sheeko badan, nin SHAQADA GACANTA laga qabto aan ka fadhiisannay jirin weeye, hubaal reer Burcuu ahaa. Magaaladan uu deggan yey waxaa deggan bedel ballaadhan oo aad u Qiimo badan boqolkiiba sideetan waxay ka soo hangagaareen gobolka Togdheer waqtiyadii collaaddii Somalida. Ninkan ITAAL FARASLE oo saaxiibkayga koobaada wuxuu ka shaqayn jiray Tesco Extra weliba line ka ama Rafka Busgulka iyo Roodhida Farasiiska. Gacmihiisa haddaad salaan to waxaad moodaysaa inaad Masacagalay taabatay siday u googa een. Subax walba waxaa ku soo waa bariisan jirtay gashaanti  cad oo isaga dherer leeg oo timo cad indhaa riyaha oo kale leh. Waxay ku soo qaabili jirtay weji furan-faxsan oo fadalla cad-cad. Isagu faraxad iyo qosol gariir uu ku dhex qariyo AF Ingiriisigiisa kala dhantaalan, markaa suu la doondoona Roodhida iyo noocyada buskulka ay rabto. Markaad Super market ka(moolka) soo gasho waxay indhahaagu ugu hor dhacayaa waa wiilkan Somalia ah ee ITAAL FARASLE waayo wuu ka wada dheeraa dadka, waxa culusoo dhan dumarka caddaanka ah ee shaqaaluhu isagay ugu yeedhan jireen. Madaxdoo dhami way ku jeclayd ITAAL FARASLE Sida uu shaqadiisa u gudan jiray.
Isagoo bash bash iyo barwaaqo Ilaahay ku mannaysatay meel wacanna ay u marayso, Burcona aqal laba balloodha ka taagay  Xaafadda TUUR TA TUUR WAA ayuu ayaantii dambe guur HAWAYSATAY,  Naftiisiina Jacayl ku beer ay, markaasuu anigoo saaxiibkiisa koobaada talo ISOO moody oo Igu yidhi Waar Buurdhegeystaw idinkaa reer Berbera ahaaye oo weligiiba jacaylku idinku dhici jiray markaa dukaannada Roodhida ka shaqayn jirteene KAALAY wax ila qabo. Aniguna intaan laabta lasoo kacay oo rayn rayn jidhkaygoo dhami dareemay ayaan xaggiisii usoo kuurkuursaday oon idhi saaxiib yaa maantana is guursanaya. Markaasuu yidhi saaxiib waxaan ka shaqeeyaa meel dumarka lagu mannaysatay oo Tesco la yidhaahdo, subax walba waxaa II timaadda gabadha indha cad cad oo quruxdeeda AF Ingiriisi mooyaane aan Somali lagu soo koob karayn. Subax walba waxaan la daydayaa buskulka iyo roodida bahalka jacaylka la yidhaa hadana turjumaan uma baahdo oo isma fahmi weyno anigoo hiinraagayey iga tagtaa Elizabeth, awel hore waxaan haystay sharciga la yidhaahdo INDEFINITE IMIKANA WAXAAN KU DARSADAY JACAYL INDEFINITE AH. Elizabeth qudheedu jacaylku wuu BIYO dhigay oo sida mahiigaanka dambaska iyo digada qaaduu qalbigeeda sida dadka u mulac yeeyey, dhawr jeer hotelada Waaweyn baa u u wada cash tagnay(dinning togather), Talo iyo tusaale keen Buurdhegeystaw ayuu hadalkiisa  ku soo gunnaanaday. Wuxuu kaluu II raaciyey oo yidhi beryahan dambe isku arkay wahsi, daal iyo riyo badan oo shaqadiiba siduu u qaban jireyba ay wax badani iska bedeleen. Maamulihiisiina uu isbedelka ITAAL FARASLE ku dhacay ka arkay computer kiisa xagga graphs ka highlight gareeya punctuality ga shaqaalaha. Waanuu u yeedhan oo la fadhiistay xafiiskiisa oo waraystay waxa isbedelka cusub ku keenay. ITAAL FARASLE nin dhiiranaantii reer Burco wata buu ahaa umuu warwareegin ee Jacaylkii buu miiska u saaray. Maamulihii wuxuu siiyey bill fasaxa wuxuuna u sheegay in mushahaaradiisii u soconayso report fiicanna uu arintiisa Board ka sare ee shirkadda u gudbin doono.
LA SOCDA SHEEKADAN BERITO QAYBTA AH SHEEKADA ORGASM KEEDA IYO HEESTIISII ‘ ANOON MADAXBANAANAYN MARMARSIIYO AAN HAYN. MEHERSDAYDII CASHAQU MACA-NAASKII DUMIYEE MACMIISHIISHII MA EERSADAY.
Wax aan qofna caqligii sun keenaynayn baa soo socda. Kala socda Hadhwanaag iyo Oodweyne Berrito.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker