Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo La Sheegay in uu Dhawaan Ku Dhawaaqayo Urur Siyaasadeed Saameyn Yeelan Doona

Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo La Sheegay in uu Dhawaan Ku Dhawaaqayo Urur Siyaasadeed Saameyn Ku Yeelan Doona Saaxada Siyaasada Somaliland

Dr Maxamed Cabdi Gaboose, oo Kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee indoor ah Kusoo jirrey, Saaxada Siyaasada ayaa la Sheegay in uu dhawaan ku Dhawaaqi doono Urur Siyaasadeed, uu isagu hormuud u yahey, ialamarkaana, ay la dhex Muuqdaan Siyaasiyiin Waayo arag ah oo ay Isla jaanqaadi Karraan doorka Siyaasada Somaliland iyo Doorka Siyaasada Ururada ee Wakhtigan Xukuumaddu ka dhawaajisay.

Sida ay Xaqiijiyeen, ilo Xogogaal ah oo Ka ag Dhaw Dr Maxamed Cabdi Yuusuf, oo Ku Magac dheer (Gaboose) Wuxuu indhawaale ku hawlanaa Qaabaynta, iyo Dhismaha nooca uu noqonayo Urur Siyaasadeedka, uu Doonayo in uu Wakhti Xaadirkan Mar Kale kusoo Galayo Siyaasada Somaliland, ee uu hore Marar badan uga soo Qeybgaley, taas oo Mudo imika Wakhti Kooban laga joogo Siweyn looga Dareemay Damaciisa Siyaasiga ah ee Ku Wajahan In uu si aad ah ugu danaynayo, Kusoo laabashada Siyaasada, oo uu in Mudo ah banaanka ka joogay taas oo uu Ka bixiyay Tusalaayaal iyo Tilmaan uu isagu Marxalada Wakhtigan la joogo Ku Qiimeeyay.

Dr Maxamed Cabdi Yuusuf(Gaboose), ayaa hore uga soo Qeyb Qaatey Ururadii Lagu bilaabay Siyaasada Somaliland, Ururkii Sahan isagoo Mar Kale ku Dhawaaqey Urur Siyaasadeedkii Lagu xidhay Xiligii Xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale ee Qaran, haseyeeshee, haddana Doorashadii Ururada ee 2012kii ayuu Urur Siyaasadeedkii Umadda Kaga Qeybgaley Tartankii Xiligaasi.

Waxaanu Dr Gaboose Xilal uga soo Qabtey Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadihii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker