Safarka ayaan jeclaa balse hadda sariir baan ka saaranahay” Dhacdo aad u Xiiso badan

HaileyHailey

Muddo billooyin gudahood ah oo ahayd sanadkii ugu dambeeyey Iskuulka sare ayaa waxa isbadelay nolosha Hailey Dickson.

Gabadhan da’ada yar ayaa ku noolayd Arizona, waxay ahayd ardayga ugu horreeyey fasalka xilliga ay natiijada soo baxdo,balse waxay ka hartay iskuulkii oo dhan.

Gabadhan oo ku soo kortay jacayl ay u haysay safarka, jeclaydna inay noqoto dhakhtar booqda bukaannada caalamka ayaa gashay xaalad xun.

“Waan iska raja beelay, waxaan ahaa qof isku filan oo adag, balse hadda waxaan ku tiirsanahay waalidkay oo wax walba ii sameeya, hooyaday waxay ka hartay shaqadeedii si ay aniga ii caawiso.”

Xanuunkan ayaa si caadi ah ku bilawday 2013-kii.

Jareynta jirka oo joogta ah

Daqiiqado yar gudahood, Hailey waxaa gariira jirka waxayna dareentaa dhidid fara badan.

“Markii ay igu billaabatay jaraynta gaar ahaan madaxa iyo luqunta, sida aniga oo dhahaayo maya marwalba” Ayey tiri Hailey.

HaileyLahaanshaha Hailey

Waxa ay xasuusataa maalin ay isku dayday inay iskuulka tagto, iyada oo la dagaalamaysa xanuunka.

“Waxaan dareemay inuu qof walba aniga isoo fiirinayo maxaa yeelay waan iscelin waayey, bannaanka ayaan u cararay waana ooyay,” Ayey tiri.

Dhakhaatiirta ku taqasusay xanuunada sida jaraynta jirka ayaa weli fahmi la’ dhibaatada haysata gabadhan.

Qaar ka mid ah ayaa sheegay inuu xanuunka hayo gabadha uu yahay jarayn jirka ku dhaca oo ah nooc gaar ah.

“Dhakhaatiirta qaar ayaa igu sheegay inuu i hayo xanuunka dhimirka.”

Hailey iyo hooyadeedHAILEY DICKSON
Hailey

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker