Barkhad Batuun Oo Ciidanka Waddooyinka Hargeysa u qeybiyey saaka Dalladaha roobka iyo cadceeda.

” Muwaaddinka Ah Aanu Haysan Dallaayad Roobka Ka Dugsado Taliyihiisina Uu Wato Gaadhi V8 Ah Oo 50 Kun Oo Doollar Ah…” Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

 

Askarigani wuxuu mudanyahay billad sharaf. Waa muwaaddin daacadnimo iyo dadaal dheeraad ah muujiyey, duruuf kasta oo haysatana danta guud iyo adeegga dadweynaha ku dadaalay. Hambalyo ayaan leeyahay geesigaas.

 

Damiir ahaan iyo dawladnimo ahaan ba wax la qaadan karo maaha in askarigan muwaaddinka ah aanu haysan dallaayad roobka ka dugsado;taliyihiisina uu wato gaadhi V8 ah oo 50 kun oo Doollar ah!

 

Baarlamaan ahaan, Waxa aannu xoogga saari doona sidii ciidankeenna noloshooda loo ilaalin lahaa, miisaaniyaddana xuquuq badan looga siin laha direyskooda, gawaadhidooda, nolosha qoysaskooda, Mushaharkooda, iyo quruxintoodaba. Ciddii kaga tagri fasha maaliyaddoodana maxkamad ayaannu la tiigsan doonnaa.

 

Ballankeenu waa Baarlamaan ka shaqeeya Sinnaanta muwaadiniinta  iyo sarreynta sharciga.

 

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker