Xasuuqii Masaajidka Al-Aqsa iyo 90 Sano oo aan lagu tukan

Sheekha Al-Xaafid Ibnu Xajar oo ka warramaya marar salaadaha jamaca ah laga joojiyey masaajid kala duwan, oo labada Xaram iyo Masjidul Aqsa ku jiraan, waxa uu kitaabkiisa ‘Inbaa’ul Qumr Bi Anbaail Cumr’ kaga warramay qisada argagax ku dhacay qaaddi deegaankiisa uu xanuunku si xun u saameeyey.
Waxa ay ahayd 848 Hijriyada mar uu xanuun daacuun ahi ka dillaacay Masar.
Xanuunkan oo aad u faafay, gaadhayna heer ay maalin kasta u dhintaan qiyaas kun qof oo dadkii deegaanka ah, ayaa aad u cabsi geliyey Qaadigii (Wadaadkii) deegaanka.
Sida caadadu ahayd qaadiga ayaa jinaasada dadka deegaanka hoggaamin jiray, kuna tukan jiray. Laakiin si uu arrintaas uga badbaado cabsida dhimashada badan ee xanuunku ku abuurtay awgeed ayaa uu qaadigii sameeyey farsamo uu kaga baaqdo jinaasadaha tirada badnaa.
Inta uu gurigiisa ku negaaday dawooyin badanna soo urursaday ayaa uu sheegtay in uu xanuunsanayo.
Mar kale Ibnu Xajar isla arrintaas ka warramayey waxa uu ka sheekeeyey qiso xanuun badan oo sababtay in aan masjidka barakaysan ee Al-Aqsa ee magaalada Qudus, salaad lagu tukan muddo 90 sannadood ah, oo ka bilaabmaysay 492 Hijriyada.
Al-Aqsa oo ah masaajidka ugu badan ee illaa imika oo ay Yuhuuddu gacanta ku hayso, marar kala duwan salaadaha laga joojiyo. Waxaa berigaas xoog ku qabsaday Isbahaysigii Saliibiyiinta ee duullaanka ku ahaa dhulka muslimiinta.
Laakiin, arrinta salaadda masaajidka laga joojiyey ka sii xanuun badani waa xasuuqa ay saliibiyiintu gudihiisa ka geysteen.
Sheekh Ibnu Al-Athiir ayaa kitaabkiisa ‘Al-Kaamil’ ku sheegay, in saliibiyiintii duullaanka ahayd ay masaajidka Al-Aqsa ku dileen dad tiradoodu ka badan tahay 70 kun oo ruux.
Waxaa ka mid ahaa in badan oo culimadii muslimiinta ahaa ee la yaqaannay ah, waxa kale oo ku jiray dad Cibaado tag ahaa oo masaajidka u joogay in ay muddo cibaado iyo Alle bari u deggenaadaan.
Kamaal Axmed Cali
aljazeera.net

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker