Filanwaa Sheeko jacayl Qaybtii 7aad W/Q: yaasiin Xasan….

Maxamed waxaa mahadho ku noqotay oo maankiisa maalin iyo habeen ka dhax guuxaysa sababta ay Canab uga qarisay guurkeeda, wuxuu isweydiiyay waa maxay cadaawada intaa le’eg.

Dhanka kale, Canab ninki durba waa is dabeeco fahmi waayeen, waxaa la ogaaday in ninka waddanka loo keenay dhaqan celis, dambiyo badana uu ka galay waddankii magangalyada siiyay, xaalad wajiyo badan leh ayaa soo if baxday, maalin walba qaylo iyo muran ayaa ka dhax aloosan, sheekadooduna waxay noqotay I fur iyo ku furimaayo mar walba taagan.

Dhibaatada Maxamed lasoo daristay mid la mida ayaa iyadana saamaysay, ninkan hadda qaba wax jacayla iyo kalsooni midna uma hayso, mararka qaar magaca Maxamed ayay ugu wacdaa, waxaa taa ka siidaran dhowr habeen oo kala duwan ayuu maqlay iyadoo ku qarweysa arrimo sira oo iyada iyo Maxamed ku saabsan.

Sayga Canab aad ayuu u dhibsaday qofkan oorida u ah ee haddana ku qanacsanayn, xiliyo kala duwan ayuu weydiiyay bal inay xog ka siiso ninkan Maxamed la dhaho ee qalbiga xaday, iyaduna lama gabatee waxay ku dhahdaa, waa nolashaydii mustaqbalka, waa qofka kaliya ah ee adduunyada guudkeeda ku sugan ee aan farxad iyo jacayl ka heli karo naftayduna ku kalsoontahay, waan rajaynayaa maalin ay noqotaba inaan noolasha la wadaagi doono.

Haddaladaas iyo kuwa kaloo ka siidaran, waxay quus iyo rajo beel ku sii abuureen ninka ay Canab wada joogaan oo awal naawilaayay inay isdabeeco fahmi doonaan.

Dabayaaqadii sanadka Imtixaankii iskuulka markii loo fadhiistay, nasiibdaro Maxamed wuu ku dhacay, waliba darajo hoose ayuu keenay, hooyadii way ogayd xaaladda wiilkeeda, kama ayna nixin dhicitaanka imtixaanka, aad ayay ugu faraxday in wiilkeedu wali uu iskuulka xaadiro, isagoo marxaladan qalafsan ku jira.

Xasan oo ka mida macalinmiinta Iskuulka ayaa aad ula yaabay xaaladda Maxamed, macalinku wuxuu isweydiiyay waxa Maxamed ku dhacay, sababtoo ah wuxuu ku yaqaanay Maxamed  fahmo badan iyo dadaal dheeraada, sidaa darteed macalinku si uu xog dheeraada u helo wuxuu booqday xaafadda, waxaa loo sheegay in Maxamed dhib ka soo gaaray gabar ay mudo dheer wada socdeen oo isagoo aad ujecel nin kale ka raacday.

Xidhitaanka iskuulka wixii ka dambeeyay, Maxamed nasasho badan ayuu helay, waxaana si tartiib tartiiba usoo laabtay xaaladiisa caafimaad, dhallinyaro badan oo asxaabtiisa ka mid ah, ayaa mar walba u sheekeeya oo mashquuliya si aanu u fikirin, mararka qaar garoonka kubbada cagta ayay u kaxeeyaan,  isagoon awood uu ku ciyaaro lahayn, haddana waa qasab in ciyaarta qayb laga siiyo, wallow shan daqiiqo ha ahaate,  sidaa ayuuna Maxamed  uga soo kabtay ugana badbaaday masiibadii iyo mowjadihii jacaylka ee ku habsaday.

Sannadkii danbe iskuulkii markii la furay Maxamed umaba hanqaltaagin in uu ku laabto, oo gabi ahaanba halkaasuu waxbarasho idilkeed ku dhaafay, isagoo u nisbeeyay in uuna diyaar u ahayn in uu dib usoo gocdo wixii dhaxmaray isaga iyo Canab, sababta oo ah iskuulku waa madashii barashadoodu ka bilaamatay jacaylkuna ka unkamay.

Waa iska xaal adduun oo subax noolba waa cayn, Canab iyo Seygeedii ilaa maalintii gurigooda seeska loo dhidbay, iyo maanta oo muddo laga joogo, khilaaf  iyo qaylo joogta ah ayay ku wada noolaayeen, ilaa ugu dambayntii arrintu cirka ayay isku shareertay oo ay  gaadhay odaayaashi reerka ee awalba madaxa isku galiyay, labada qof ee aan aqoon durugsan isku lahayn.

Inkastoo markii hore Canab aabbaheed,rajo weyn ka qabay in ninkani gabadha uu dhoofin doono, maadaama uu dibadda ka yimid, laakiin mala awaalka caynkaasa, xogtiisa oo dhaba ayaa soo ifbaxday.

Odaygu wuxuu maqlay in ninkan dalka loo keenay dhaqan celis, islamarkaana gabadhii ay is fahmi la yihiin, sidaa darteed sheekadu way isbadashay,

Dhowr jeer oo hore oo ayay  Canab soo duday oo ay guriga hooyadeed timid,  balse aabbaheed oo xagga ninka uheelanaa ayaa intuu gacanta qabto durba ku celin jiray aqalkeedii, laakiin maanta xaaladdu  sidii hore way ka duwantahay oo war jiraaba cakaaruu iman!.

Canab hooyadeed ayaa odaygii si aan qarsoodi lahayn ugu tidhi: “Awalba adigaa gabadhayda u guuriyay nin qurbe laga soo masaafuriyay, waan ogahay shilimo lacaga ayaad ugu xilatay, waad dareemaysaa xaqiiqda ayaad iska indho tiraysaa, waadna ka war haysa ninkan maalin walba gabadhayda wuu dilaa, waxaan kaa codsanayaa inaad warqadeeda uga soo qaado, haddii kale xoog ayaa looga furri, wixii halkaa ka dhacana adigaa ka masuula”.

Intaa ha inoo joogto la soco qaybaha dambe..

W/Q: yaasiin Xasan

Yaasiinxm114@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker