Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Geerida ku timi Madeleine Albright

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Geerida ku timi Haweenaydii u horeysay ee noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, Madeleine Albright oo Arbacada shalay ku geeriyootay dalkaas.

Madeleine Albright oo da’deedu ahayd 84-jir, ayaa u geeriyootay xannuunka Kansarka, sida lagu sheegay war-murtiyeed Qoyskeedu soo saaray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd, ayaa shacbiga iyo dowladda Mareykanka ka tacsiyeeyey Geerida Haweenaydan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka Mareykanka geerida ku timid xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Madeleine Albright,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Ciise Keyd farriintan tacsida ah ku baahiyey bartiisa Twitter.ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa ka mid ah Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka Shaqo ku jooga Dalka Mareykanka.

Tuma ayay ahayd Albright?

Haweenaydan oo lagu tilmaami jiray giraantii Siyaasadda reer Galbeedka kaddib markii uu dhammaatay dagaalkii qaboobaa, ayaa xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka haysay intii u dhaxaysay sannadihii 1997-kii ilaa 2001-dii xilliggii xukuumaddii madaxweyne Bill Clinton.

Albright oo asal ahaan ka soo jeedday dalkii laysku odhan jiray Czechoslovakia oo immika ah labada waddan oo ku yaalla Yurub, xilligaas oo Qoyskeedu uga hagaajireen Maraykanka sannadkii 1948-kii, ayaa markii u horeysay saaxadda dublomaasiyadda Maraykanka ku biirtay sannadkii 1993 oo loo magacaabay Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay wax yar kaddib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyey madaxweyne Bill Clinton.

Muddo-xileedkii labaad ee uu madaxweynaha Maraykanka ku guulaystay Bill Clinton Doorashadii 1996-kii, waxa Albright u magacaabay inay noqoto Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, waxaana lagu tilmaamaa haweenaydii udub-dhexaadka u ahayd siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka dhowr sanno kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa isla markaa uu burburay Midowgii Soofiyeeti oo ahaa awoodda labaad ee tartanka kula jiray Mareykanka.

Waxa xusid mudan in haweenaydani qayb laxaad leh ka qaadatay in Maraykanku siyaasaddiisa Arrimaha Dibadda iyo Milatarigii ku fidiyo dunida inteeda maadaama oo uu xiligaas burburay Midowgii Soofiyeetii, waxaanay xilligaas majaraha u qabatay siyaasadda isballaadhintii isbahaysiga NATO ee dhinaca Bariga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker