Ukraine oo diiday xabbad joojin uu Ruushku soo jeediyey

Xabbad joojin ku meel gaar ah oo ay Ruushku soo jeediyeen ayaa ka dhaqan galeysa haaatan furimaha hore ee Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa amray 36 saacaddod in hakad la galiyo dagaalka si loogu beego kirismaska Orthodokiska. Lakiin Ukraine ayaa diiday xabbad joojintaas.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in xabbad joojintu ay tahay isku day lagu doonayo in lagu joojiyo horumarka milatari ee dalkiisu samaynayo.

Hadalka Kremlin-ka ayaa u muuqday in Madaxweyne Putin uu amar ku siiyay ciidamadiisa in ay dagaalka joojiyaan balse tallaabadaas ayaa la aaminsan yahay in uu qaaday ka dib codsi kaga yimid madaxa Kaniisad ku talla Ruushka.

Wadaadka kaniisada ayaa ku baaqay, xabbad joojin loogu talagalay kirismas-ka si loogu oggolaado dadka cibaadeysanaya inay ka qaybgalaan adeegyada kaniisadaha ee kirismaska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker