Hebelo isu jeeda ayaa Hoos inoo celiyay.

Sideedaba caqabadaha iyo jalaafooyink dhanka siyaasada ee gees afrika way iska badanyihiin, inta badana waxaynu nahay dad wax loo yeedhiyo .
siyaasada Somaliland iyo guud ahaanba Somalidaba waxaa ragaadiyay “Hebelo isu jeeda ama iska horjeeda”. Oo aan lahayn Hogaamin (leadership) ama himilo sare oo hor seeda talaabooyin waawayn oo dhanka positive ka. Siyaasigeena dhankasta oo aad Ka eegto “Waa Waraabiyo Adhi raacso”. Oo ay adag Tay inuu kasbado qalbiga shucuubta.
Ogow marka aad eegto Madax Wayne ama gudoomiye xisbi ama mansabyada sare Dadlalka ku fadhiista maaha Dadka ayay ugu Aqoon badan yihiin ama ugu Karti badanyihiin ,ama ugu caqli badanyihiin Ee waa jaaniskaa ayay Heleen.
Somaliland Dadka Jaanisyadaa helaa in yar mooye Hogaamin male sidaan qabo (ina cigaal ayaa ugu dhawaa).Iyadoo ay iska jiraan caqabado badani oo ku Xeeran
Markaad eegto nidaamka iyo aragtiyada aynu ka guuri kari la nahay shacab ahaan oo aynu Durban ka uun la daba socono Hebelo Aan dhaafsiisnayn Dana shakhsi iyo qalqalooca badan oo umada ka leexinaya majaraha Horumarka.
Somaliland waa Doon ah nooca Shiraaca leh oo badwaynta oo heehaabaysa dabayluhu hadba meel gaynayaan.
Bal fiiri aqal Golaha wakiilada Somaliland oo kii shuruucda dalka laga dajinay oo intoodii badnayd yihiin mooshin quutayaal iyo dad aan hadafba lahayn.
Bal fiiri Golayaasha deegaamada.
Fikirkayga gaaban ayaan yara cabiray
By . Abdirashid Awmuse adan . (rashaad055@hotmail.com)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker