Qaramda Midoobay Xaq uma laha inay magacowdo shaqaalaha dowladda Soomaaliyeed…Qalinkii Suxufi Sinyoore

Soomaalidu waa inay hurddada ka kacdaa, dalka Soomaali baa iska leh maamulkiisana dowlada Soomaaliyeed baa iska leh, Qarammada  Midoobay (QM), haddii ay Soomaaliya u joogto inay iyada xukunto oo madax ka noqoto ma aha mid laga yeelayo,

 

 

 

madaxda Soomaaliyeedna waa inay shaxaadka iska dhaafaan oo aysan baryin waxay xaq u leeyihiin! Xummaanta iyo handdadaad ay dalalka shisheeyaha ah ku hayaan madaxda Soomaaliyeed isla markaasna ay la aamusayaan ama ay qarsanayaan waa habacsanaanta  ugu weyn ee  ku habsatay shacabka Soomaaliyeed…

 

 

waa dhab khilaafaad dhexdeenna ah ayaa jira shacab ahaan laakiin ma waxaa dawo u noqonaya in maalin kasta madaxda Soomaaliyeed iydoo shacabkeeda ka cabsanaysa lagu cadaadiyo waxaan danta dalka u cuntamin!…shacabku waa inuu isu diyaariyaa inay dalkooda difaacdaan, side bay ku dhici karayso in sharciyo aanan annaga lahayn dalkeena lagu xukumo, side bay ku dhacaysaa in maamulka dalka nin aan u dhalan ama aysan dowladda keensan uu ku lug yeesho,

 

 

 

side bay ku dhacaysaa in maalin kasta layna dulmiyo iyadoo laga faa’idaysanayo colaadda aan sababta lahayn ee layna dhex dhigay?!… waxaynu ka hadlaynaa Al-SHabaab!…Al-SHabaab laynagu xuxin maayo, Argagixiso haddii ay yihiin annaga ayeey inoo yihiin, waxay dilaan waa annaga, waxay dhacaan waa annaga, waana iska celin karaynaa oo shaki taas kuma jiro

 

 

!…Ma suuro gal baa in dalkeena, diinteena, iyo sharafteena lagu qabsdao Al-SHabaab baan la dagaalaynaa, uma baahnin cid Al-SHabaab la dagaasha annaga isga filan, laakiin waxaan u baahnnahay dowladdana aan ka rabnaa inay ka shaqayso marka hore in ciidammada shisheeyaha ah ay dalka Soomaaliya ka baxaan!…Bal aan is aragno annaga iyo Al-SHabaab!…

 

 

Somaaliya waxaa runtii Argagixiso ku ah nin kasta oo aan Soomaali ahayn oo baddeeda iyo berrigeeda jooga, waayo waxaa hubaal ah sharcigu uu ku joogo inuusan ahayn mid uu oggollaaday si sharaf ku dheehantahay  qaynuunka Soomaaliyeed laakiin ay tahay cabsi gelin iyo itaal sheegasho in yar mooyee!….

 

 

 

SHacabka Soomaaliyeed waa ay hurddaan, arddayda jaamacdaha dhigata, waa inay ka dhiidhiyaan waa inay hoggaanka xoreynta dalka qaataan, waa inay ku mudaaharraadaan dunida tusaan dulmiga lagu hayo shacabka Soomaaliyeed una sheegaan QM iyo kuwa magaca Beesha Caalamka ku qaraabta inay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya!…

 

 

 

waraka soo baxaya  waxay tilmaamayaan in maamulka hawada Soomaaliya loo magacaabay oo ay isaga hooseeyaan labo nin oo Itoobiyaan ah!…waxaana taas qasab ka dhigay QM!… QM ma iyada dalka iska leh? Beesha Caalamka iyo QM miyaa dalka iska leh mase iyo ummadda Soomaaliyeed baa iska leh? Farmaajo iyo KHeyre,  iyagana inay Maya yiraahdaan maxaa u diiday? Ma cirkaa soo dumiya?!…

 

 

Ardayda Soomaaliyeed haddii ay mustaqbal dalkooda ka rabaan, haddii ay rabaan iyaga oo soo taagaan inaan la dhaxal wareejin waa inay hoggaamiyaan kacdoonka  “Somali Spring!” waxay xaq u leeyihiin inay meel kasta ka eryaan shisheeyaha dalka jooga, waxay xaq u leeyihiin inay diidaan dulmiga, waxay xaq u leeyihiin ka hor tagaan in qaranimmada dalkooda lagu xad gudbo!…waxay xaq u leeyihiin inay ka hor tagaan wax kasta oo qaynuun ah  wax u dhimaya qaranimadooda!… burbur 30 sano ah ka dib baa laydin guumeysanayaa tan baa ka daran Al-SHabaab!

 

 

 

Waxaa intaas ka daran oo yaab in madaxda Soomaaliyeed ay ku baryootantay haddii aan Soomaali la keenayn in Itoobiyaanka laga dhaafo laakiin laga diiday oo sidaas  lagu qasbay!…hadaysan waxba maya oran Karin maxay dadka u hor fadhiyaan…Dalka Farmaajo iyo KHeyre iyaga gaar uma laha, wixii dhibtiisa ah waa in la helaa  arday diidaysa shacab ka dhiidhinaya oo  dagaalamaya, waa in la helaa dhallin yaro ilaashanaysa dhaxalkii awoowgood!…

 

 

 

 

Al-SHabaab nin aan ka baryeyno inuu innaga cesho ma jiro, dadka Soomaaliyeed dulmi intaas ka badan ma qaadanayaan, hawada Soomaaliya Itoobiyaan inuu maamulo ma aha mid ay dadka Soomaaliyeed yeelayaan! Mana qaadan doonaan madiidinimo iyo gumeysi qarniga 21aad!…Odayaasha DHaqanka, doorkooda waa inay gartaan, dullaanku waa cadyahay, haddii aad sugaysaan in xabbad laydinku rido laydinkuma ridayo, manta dunida waxaa laysku qabsaday cabsi gelin, caga jugleyn, kala qaybin, isku dir, iyo san-dareeto, waa laydin kala qaybiyay,

 

 

 

waa laysku kiin diray, kuwii caqliga idin noqon lahaa baa sandareeto lagu haystaa, ha suginna inta laydinku soo duulo in xabbad laydiin soo qaato, taas waxay immaan karaysaa markaad fahmtaan tan hadda laydinku hayo!…Hay’ado samo-fal ma jiraan wax la yiraahdo, kuwa aad leedihiin Samo fal bay inoo keenayaan dadkoodaba ma siiyaan maxay adinka idinka dhigayaan?!…Bal ii sheega!…nin hooyadii muxuu adiga wax kuu siiinayaa?!…

 

 

 

Bal wax kale iska daayee, ma wixii ay awoowayaasheen u soo dhinteen oo dhiiggooda u hureen baan manta innaga, dhallin yaradeenna, waayeelkeena, ardaydeen, dowladdeena iyo qof kasta oo Soomaali ah aan ku difaaci kar la’nnahay oraahdeenna!…waaba suuro gal in laynnagu soo duulo!…Kenya iyadu dhaar bayba arrintu maraysaa, waxaadna moodaa shacabku inuu dansanyahay, dowladdii baraarujin lahaydna af-duub lagu haysto!…

 

 

 

Qarmmada Midoobay, iyo waxa Beesha Caalamka loogu yeero, waxay innagula dagaaleen oo ay ina bareen laaluush, wax is-daba marin, way isku kaaya direen, labo mas’uul oo Soomaaliyeed ma wada hadli karayso haddii uusan joogin nin ka socda waxa Beesha caalamka loogu yeero ama aysan iyaga u soo sheegin inay wada hadlaan iyo waxa ay ka wada hadlayaan, ama uusan joogin basaas Soomaaliyeed oo iyaga mushaar ka qaata!… Mararka qaarkood waxaan is weydii madaxda Soomaaliyeed waxaan wax ka badanee ma wada sixranyihiin?!…

 

 

 

umaanta uma baahnin fulay, af-garooc, iyo nin aan dadkiisa u sheegi karin khaladaadka uu arkayo…midda kale shacabka Soomaaliyeed qaarkood ha ku baraarugsanaadaan QM macnaheeda ma aha meel gar-soor, waxaan arkay dad badan ama xataa suxufiyiinteenna qaarkood u macnayniya, waa meel laysugu itaal sheegto, waxaana loogu kala awood badanyahay hadba sida dhaqaalaha lagu bixiyo loogu kala badanyahay, iyo sida look ala cudud weynyahay,

 

 

waana sababta keentay in shanta dal  ee is bidaya inay yihiin quwadda adduunka aysan ka dhicin xubinimmada golaha ammaanka, waxaana mar kasta sharci ka noqda waxa ay shantaas isku af gartaan, marka laga reebo arrimaha guud ahaan adduunka aysan inta badan isku diidanayn!…Ariintan in hawada Soomaaliya ay laba nin oo Itoobiyaan isaga hooseeyaan sinna looma aqbali karo, mana aha dowladda Soomaaliyeed inay yeesho haddii kale,

 

 

waxaa uga sharaf iyo roon inay iska cazilaan xilka ma yeeli karno arrintaas!…Aaaway Farmaajo waa wadani?!…aaway dhallin-yarradii dhaxalka dalkaan iska lahayd?!…maali kasta Itoobiya!…waa shaki la’aan arrimuhu way wada socdaan, dowladda Itoobiyana arrimahan waxbay ka ogtahay!… laakiin aaway shacabka Soomaaliyeed?!…

 

 

 

Biyo intaysan ku soo gaadhin baa layska moosaa!…Itoobiya iyo Kenya kuwa dabada ka riixay waa kuwa hadda doonaya inay inoo jaro baraan inay Itoobiya dalka ina leedahay macanaha ka dambeeya in laynagu qasbo oo sanka laynaga geliyo inay niman Itoobiyaan ah madax ka noqdaa hawada Soomaaliya macne kale ma laha, sida Hasha maqaarka loo oggoleysiiyo!…

 

 

 

 SHaki la’aan waa heerkii u dambeeyay, arrintu ma aha mid sheeko iyo hadal joogta!…KHeyre isagaan u haysanaa in dastuurka loo furo in aajnabi la shaqaaleeyo, waayo Murasal awalba waxaa loo haystay inuu yahay nin la keensaday, mase la hubaa KHeyre inuu yahay Soomaali qab-weyn oo madax adag o tiisa ku socda oo ka madax bannaan waxa beesha Caalamka loogu yeero?!…Arrintani khtar weyn bay qaranimmada iyo jiritaank dalka ku tahay, mana aha in la yeelo iyada iyo wixii la eeyni ahba!…waan hawl dhallin-yarada iyo ardayda ay tahay inay ka dhiidhiyaan!…Siday ku socoto!…Saansaanta!…maxaa kuu muqda?!…Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu wan qali!

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker