Tobaneeyo qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay Jabalia

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in 35 qof lagu dilay weeraro lagu qaaday dhowr guri oo ku yaalla Xerada Qaxootiga ee Jabalia ee magaalladda Gaza.

Saraakiisha caafimaadka falastiiniyiinta ee ku sugan dhulka ma aysan xaqiijin karin tirada dhimashada balse militariga Israa’iil ayaa Sabtidii sheegay in ay hawada ka duqeeyeen dhismo ku yaala Jabalia.

Waxa ay sheegeen in tani ay timid kadib markii ciidamadooda ay rasaas la dhaceen, islamarkaana saqafka sare lagu arkay dagaalyahano ka tirsan Xamaas.

Wafa ayaa sharaxday in ilo maxali ah oo sheegay in difaaca madaniga ah iyo shaqaalaha ambalaasta ay soo saareen 24 meyd ah iyo ugu yaraan 90 dhaawac ah.

Dad badan oo rayid ah, sida ay sheegtay warbaahinta Falastiin, ayaa weli ku hoos jira burburka halkaas ku yaalla.

Wafa ayaa intaa ku dartay in 11 qof oo kale ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil fulisay oo lala beegsaday guri qoys ku noolaayeen oo ku yaalla Jabalia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker